Real Madrid ayaa galabta marti u ah kooxda Deportivco Alaves, waxeyna dooneysaa iney hogaanka La Liga tartiib uga qabato Barcelona oo habeen dambe la ciyaareysa kooxda Atletico Madrid, waxeyna u arkaan fursad weyn.

Labadaan kooxood toban dhibcood ayaa u dhaxeysa, Alaves ayaana xaalad iska dhexe ku jirta, waxeyna dooneysaa iney guul ka gaarto Madrid oo aad moodo iney dib isku habeysay kadib dhibaatooyinkii ay fasalkaan ku bilaabatay.

Gareth Bale ayaa filanaya inuu 56 Maalmood kadib kusoo bilowdo safka Los Blancos kadib markii uu dhaawacmay Eden Hazard, waxaana laga yaabaa inuu weerarka kula soo bilaaban doono Benzema iyo Rodrygo.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Alaves vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Garoonka: Estadio Mendizorrotza

Saacadda: 3:00 Galabnimo (XGA)

Garsoore: Guillermo Cuadra Fernandez (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Kooxda Alaves wax dhibaato ah ma qabaan ciyaartoydooda, sidoo kalana ma jiraan wax ganaaxyo ah oo laga soo sheegay.

Manu Garcia iyo Laguardia ayaa dib ugu soo laabanaya Alaves kuwaas oo ganaax ku seegay guushii ay ka heleen Eibar.

Los Blancos waxaa ka maqan Hazard, James, Asensio iyo Vazquez kuwaas oo aan la dooran karin.

Mendy ayaa laga yaabaa inuu badalo Marcelo, sidoo kalana Modric ayey suuragal tahay inuu kala baxo booska Kroos.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Alaves:

Pacheco; Duarte, Navarro, Laguardia, Aguirregabiria; Rioja, Pina, Garcia, Vidal; Joselu, Perez

Real Madrid:

Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Mendy; Modric, Casemiro, Valverde; Rodrygo, Benzema, Bale

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankoodii ugu dambeeyay Los Blancos ayaa 3-0 ku guuleysatay.

Labada kooxood ayaa shabaqa wada gaaray kaliya hal kulan shantii ciyaarood ee ugu dambeeyay.

Mid ka mid ah kulamadooda 10-kii ciyaarood ee ugu dambeeyay ayaa la iska dhaliyay wax ka yar 2-gool.

Alaves ayaa loo diiwaangaliyay hal guul, 10-kii ciyaarood ee ugu dambeeyay.

Real Madrid ayaa shabaqeeda ilaashatay shan ka mid ah tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here