Xiriirka qaaradda yurub ee (UEFA) ayaa go’aansaday in maanta la qabto isku aadka guud ee tartanka Euro2020, waxaana lagu qaban doonaa ROMEXPO oo ku taala Bucharest, madax ka socota xulalka usoo gudbay tartanka ilaa iyo hadda, madaxda xiriirka iyo guddiga tartamada ayaana isugu imaan doona.

Dhacdadaan waxaa la qabtaa afartii sanaba mar, waxaana la sameyn doonaa isku aad si weyn kaga duwan sanadahii hore maadaama lasii ogyahay qaar ka mid ah xulalka iska hor imaan doona, kuwa hogaamin doona group-yada sababo la xiriira hanaanka martigalinta oo la badalay, waxaana lagu qaban doonaa tartanka 12-magaalo oo kala duwan.

Haddaba waxaan hoos ku faaqidi doonaa wax walba oo ku saabtan tartanka intii xog laga haayo, waxaana isku aadka la qaban doonaaa caawa 8:00 Fiidnimo Xilliga Geeska Afrika.

Isku aadka waxaa la sameyn doonaa iyadoo aan la ogaan wadamada dhameystiraya tartanka, waxaana jira afar boos oo laga sugayo kulamada play-offska ah ee dhacaya bisha Maarso 2020.

Sidee loo kala hogaaminayaa qaanadaha?

Qaanadda 1-aad
Belgium

Italy (hosts)

England (hosts)

Germany (hosts)

Spain (hosts)

Ukraine

Qaanadda 2-aad

France

Poland

Switzerland

Croatia

Netherlands (hosts)

Russia (hosts)

Qaanadda 3-aad

Portugal

Turkey

Denmark (hosts)

Austria

Sweden

Czech Republic

Qaanadda 4-aad

Wales

Finland

Guuleystaha play-off Path A (Iceland, Bulgaria, Hungary, Romania)

Guuleystaha play-off Path B (Bosnia and Herzegovina, Slovakia, Republic of Ireland, Northern Ireland)

Guuleystaha play-off Path C (Scotland, Norway, Serbia, Israel)

Guuleystaha play-off Path D (Georgia, North Macedonia, Kosovo, Belarus)

Yaa Hogaaminaya Group-yada? Suuragalnimada isku aadka?

Group A – Group-kaan waxaa hogaaminaya qaranka Italy maadaama Rome iyo Baku lagu ciyaarayo kulamada group-kaan

Group B – Maadaama kulamada group-kaan lagu ciyaaray Saint Petersburg iyo Copenhagen, waxaa qasab ah iney group-kaan ku jiraan Denmark iyo Russia, waxaa soo raaci doona Belgium, balase kaliya wadankii afareyn lahaa ayaa la isku heystaan.

Group C – waxaa hogaamin doona group-kaan Holland maadaama kulamada lagu ciyaari doono Amsterdam iyo Bucharest, waxaa soo raacaya oo la hubaa Ukraine, balse lama oga wadamada soo raaci doona

Group D – England ayaa hogaamineysa maadaama London iyo Glascow lagu ciyaarayo, wadamada kale lama hubo.

Group E – Magaalooyinka Bilbao iyo Dublin ayaa lagu ciyaari doonaa, xulka Spain ayaana hogaaminaya group-kaan, wadamada soo raaci doona lama oga.

Group F – Jarmalka ayaa hogaamin doona maadaama Munich iyo Budapest lagu ciyaarayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here