Khabiirka BBC-da Mark Lawrenson kama daalo inuu saadaaliyo kulamada horyaalka Premier League, isbuuca 14-aad wuxuu kaliya guul u diiday kooxda Arsenal oo shalay iska ceyrisay macalin Unai Emery, barbaro ayuuna kusoo dhaweeyay macalinka sida kumeel gaarka ah u leylinaya ee Freddie Ljungberg.

Lawro wuxuu guul siiyay dhamaan kooxaha kale ee lagu sheego (Top Six), dhanka hogaanka wax isbadal ah kama dhici doono siduu saadaaliyay, balse Arsenal ayaa u dhici doonta kaalinta 10-aad hadii sida uu wax u saadaaliyay u dhacaan.

Gunners waxey kulankeeda ugu horreeya kadib shaqo ka ceyrintii Unai Emery u safri doontaa Norwich City, sidoo kalana Lawro wuxuu guushii labaad ee horyaalka siiyay Jose Mourinho oo maanta kulankii ugu horreeyay horyaalka gurigiisa ku ciyaaraya, iyadoo ay xusid mudan tahay in 4-maalmood kadib uu Old Trafford u safri doono.

Frank Lampard wuxuu ka hortagayaa kooxdiisii yaraanta, sidoo kalana wuxuu wajahayaa macalinkii ku maamulay Manchester City (Manuel Pellegrini) kaas oo isna qarka u saaran inuu waayo shaqadiisa.

Blues guul ayuu ka siiyay kooxda Hammers, kulanka maanta labada kooxood ku dhexmari doona garoonka Stamford Bridge, sidoo kale labada Manchester iyo Liverpool ayuu guulo ka siiyay Aston Villa, Newcastle & Brighton & Hove Albion.

Kulamada Sabtida:

Newcastle United 0 – 2 Manchester City

Burnley 2 – 0 Crystal Palace

Chelsea 2 – 1 West Ham United

Liverpool 3 – 0 Brighton & Hove Albion

Tottenham Hotspur 2 – 0 AFC Bournemouth

Southampton 2 – 1 Watford

Kulamada Axadda:

Norwich City 1 – 1 Arsenal

Wolverhampton Wanderers 2 – 0 Sheffield United

Leicester City 2 – 0 Everton

Manchester United 2 – 0 Aston Villa

 

Hoos kusoo qor sida ay kula tahay iney ciyaaraha ku dhamaan karaan isbuucaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here