(Liverpool) 30 Nof 2019. Liverpool ayaa diiradda saareysa sidii ay u sii joogteyn lahayd goolaheeda kulammada horyaalka Premier League kal ciyaareedkan, marka ay maqribnimada maanta oo Sabti ay garoonkeeda Anfield ku soo dhoweynayso Naadiga Brighton & Hove Albion.

Reds ayaa siddeed dhibcood oo saafi ah ku haysa hoggaanka horyaalka Premier League waxaana ay lumiyeen kaliya labo dhibcood 39 dhibcood oo ay heli kareen xilli ciyaareedkan illaa iyo haatan.

Liverpool ayaana doonaysa inay ka soo kabato barbarihii 1-1 oo ay Jamaahiirtooda hortooda kula galeen kooxda Napoli Arbacada habeenkeedii ee Champions League.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti, 30 Nof 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 6:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Martin Atkinson (England)

Garoonka: Anfield.

Wararka Kooxaha:-

Laacibka khadka dhexe ee Liverpool, Fabinho waa uu ganaaxan yahay, inkastoo uu si kastaba illaa sanadka cusub garoomada kaga maqnaanayo dhaawac canqowga ah oo ka soo gaaray kulankii Napoli.

Naby Keita ayaa isaguna kulankaas xanuun ku seegay, laakiin waa uu ku soo laaban doonaa shaxda.

Brighton ayaa laga yaabaa inay kulankan weyso adeega Solly March, kaasoo qaba dhaawac gumaarka ah, laakiin weeraryahan  Aaron Connolly ayaa ka soo kabsaday xanuun midkaas la mid ah.

Kabtan Lewis Dunk ayaa ka soo laabtay ganaax uu la maqnaa, kaasoo seejiyey kulankii ugu dambeeyey oo ay Sabtidii hore guuldarrada kala kulmeen Kooxda Leicester City.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Liverpool ayaa guul gaartay todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Brighton tartammada oo dhan, waxaana ay dhaliyey 22 gool, iyadoo laga dhaliyey kaliya shan gool.

>- Brighton ayaa khasaaro la kulantay siddeed ka mid ah 10-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo iyadoo marti ahayd kulammada horyaalka ay la dheeshay Liverpool, labada kulan ee kalana mid waa ay ka adkaadtay, midna barbaro ayay la gashay, guushaas kaliya oo ay kaga gaartay kulammada sare ee horyaalka ayaana timid bishii Maarso sanadkii 1982-kii, waxaana ay uga badiyeen 1-0.

>- Liverpool ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) 30 kulan oo horyaalka Premier League ah 25 kulan waa ay adkaatay halka 5 kulan ay barbaro gashay, haddii ay guuldarro ka fogaadaan kulankan waxa ay barbareyn doonaan rikoorkoodii guuldarro la’aan ee ugu dheeraa kulammada sare ee horyaalka taariikhda markaasoo ay 31 kulan dhinacdeeda dhulka la dhigi waayey intii u dhaxaysay bishii May 1987-kii illaa bishii March 1988-kii.

>- Liverpool ayaa guuleysatay 13-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay ku ciyaartay garoonkeeda, waana rikoorkeedii guuldarro la’aanta ee ay gurigeeda ku haysato tartankan, xaqiiqdii kaliya intii u dhaxaysay January illaa December sanadkii 1972-kii ayay kulammo badan oo xiriir ah garoonkooda ku adkaadeen ciyaaraha sare ee horyaalka waxaana ay ku badiyeen 21 kulan.

>- Tan iyo guushii 3-0 ee ay ka gaareen Watford todobaadkii ugu horreeyey ee furitaanka horyaalka, Brighton ayaa guul la’aan ah shantii kulan ee Premier League ay bannaanka ku soo ciyaartay tan iyo markaas, waxaana ay la kulantay 1 barbaro iyo 4 guuldarro, iyadoo khasaaro la kulantay mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyey, markii ugu dambeysay oo ay khasaaro bannaanka kula soo kulmaan afar kulan oo xiriir ah waxa ay ahayd intii u dhaxaysay bilihii May iyo August sanadkii 2018-kii, iyadoo kulanka afaraadna la ciyaarayay Liverpool.

>- Goolka furitaanka ciyaarta saddexdii is-arag ee ugu dambeeyey oo horyaalka Premier League ku dhexmaray Liverpool iyo Brighton waxaa dhalinayey Mohamed Salah, Reds ayaana ku badisay 1-0 labadii is-arag ee xilli ciyaareedkii hore waxaana ay uga mahadcelinayaan Salah.

>- Sadio Mane ayaa dhaliyey 17 gool 16-kiisii kulan ee ugu dabeeyey horyaalka Premier League oo uu ku ciyaaray garoonka  Anfield, xaqiiqdii tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore xiddiga xulka qaranka Senegal ayaa goolal badan ku dhaliyey garoonka kooxdiisa taasoo ka badan ciyaaryahan kasta oo kale horyaalka Premier League waxaana uu ku dhaliyey 22 gool.

>- Tababare Jurgen Klopp guuldarradii ugu dambeysay ee kulammada horyaalka garoonkiisa ku soo gaarta isagoo macallin u ah Liverpool waxa ay timid isagoo ka horjeeday Tababare  Sam Allardyce oo watay kooxda Crystal Palace bishii April sanadkii 2017-kii, tan iyo markaas hoggaamiyaha Jarmalka ah ayaa guuldarro la’aan ah 26-kiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu la ciyaaray macallimiinta Ingiriiska ah waxaana uu guuleystay 22 kulan halka uu barbaro galay 4 kulan oo kale, waxaana uu guul gaartay 16-kii kulan ee ugu dambeeyey weliba si xiriir ah.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here