In la badalo wakhtiga kulanka El-Clasico wax saameyn ah kuma yeelan dhaq-dhaqaaqii ay sameynayeen ururka dhawaan lagu dhawaaqay ee Tsunami Democratic, waxeyna doonayaan iney kulanka ugu weyn kubadda cagta kusoo bandhigaan baahidooda si adduunka u arko waxa ay dareemayaan.

Tsunami Democratic waa urur masuul ka ahaa dibad baxyo badan oo ka dhacay gudaha gobolka Catalonia tan iyo markii la xiray xubno badan oo u dhaq-dhaqaaqay xornimada gobolka waxeyna muwaadiniinta ay ka go’an tahay xornimada gobolka ugu yeereen iney diyaar ahaadaan 18-ka December, inkastoo aysan shaacin waxa ay damacsan yahiin.

“Maxaabiista iyo dadka la musaafuriyay iyadoo aan go’aan laga gaarin ama aan la fulin xuquuqdooda aas-aasiga ah, ma jiran wax caadi ah” ayey kusoo qoreen twitter-ka.

“18-ka December, waxaan door ka ciyaari doonaa El Clasico”

Mid ka mid ah fariimaha ay u aqoonsadeen iney muhiim u tahay in lagu soo bandhigo kulanka Barcelona iyo Real Madrid ka taageero ahaan waa:

“Si kastaba, siyaasadda, garsoorka iyo wakhtiyada cadaadiska in lasoo bandhigo waa wax aan caadi aheyn”

23-kii Oktoobar ayey aheyd markii guddiga tartamada ay go’aan ku gaareen in la badalo wakhtiga kulanka kadib markii ay dhacdooyin badan oo dibad baxa la xiriira ka dhaceen magaalada Barcelona.

Tsunami Democratic waxey wakhtigaas soo saartay digniin, waxeyna u sheegeen guddiga in badalka wakhtiga kulanka uusan saameyn ku yeelan doonin ujeedkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here