Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ma furna, balse wali wargeysyada kubadda cagta waxey baahinayaan wararka xanta ah ee la xiriira arrimaha suuqa kala iibsiga kooxaha, waxeyna koox walba xusul duub ugu jirtaa sidii ay isku xoojin laheyd marka uu suuqa furmo bisha January.

Waxaan idiin soo koobeynaa wararkii ugu dambeeyay oo ay warbaahinta ka qoreen arrimaha suuqa, inagoo u xaglin doona sheeko walba cidda qortay, taasna waxey meesha ka saareysaa inaan masuul ka noqono xaqiiqda iyo jiritaanka warka aan idiin baahinay.

Borrusia Dortmund ayaa diyaar u ah iney dhageysato dalabyada laga soo gudbinayo 19-jirka reer England Jadon Sancho marka uu suuqa furmo January, waxaana aad u xiiseynaya Man United & Liverpool. (Independent) 

Tababare Manuel Pellegrini ayaa la siiyay laba kulan uu ku badbaadsado shaqadiisa West Ham kadib markii uu wax guul ah kooxda u horseedi waayay sideedii kulan ee ugu dambeysay. (Mail)

Agaasimaha ciyaaraha Red Bull Salzburg (Christoph Freund) ayaa in kiray in kooxda ay milkiyadda wadaagaan ee RB Leipzig loo ogolaanayo iney jabin karaan heshiiska 19-jirka reer Norway Erling Braut Haaland, kaas oo lala xiriirinayo Man United. (Bild)

Man United ayaa ka baxday xiisahii ay u qabtay 33-jirka Juventus ka tirsan Mario Mandzukic, kaas oo ku qasban inuu helo koox ka badbaadisa xabsiga Maurizio Sarri. (The Athletic)

Borussia Dortmund ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa Mario Mandzukic oo 33-jir ah iyo Emre Can oo 23-jir ah kana wada tirsan Juventus. (The Sun)

Bruno Fernandes oo dhawaan heshiis cusub u saxiixay Sporting Lisbon ayaa wali doonaya inuu ka baxo kooxdiisa, 25-jirkaan waxaa lagula heshiiyay in la diri doono hadii laga soo gudbiyo dalab 70 Malyan oo Yuuro ah. (Mail)

Weeraryahanka Paris Saint Germain Kylian Mbappe, kaas oo ah 20-jir ku guuleystay koobka Adduunka ayaa ku biiri doona Real Madrid. (Le Parisien)

Ac Milan ayaa wali xiiseyneysa 21-jirka Juventus aysan adeegsan ee Merih Demiral, sidoo kale waxaa lala xiriirinayaa Arsenal & Man City. (Calciomercato)

Arsenal ayaa diyaarineysa lacag dhan 42 Malyan oo Yuuro oo ay kusoo qaadaneyso James Rodriguez, 28-jirkaan waxaa la hadal hayaa inuu Inter Milan ama Paris Saint Germain ku biiri doono. (Eldesmarque)

Fede Valverde oo 21-jir ah ayaa Real Madrid u saxiixay heshiis Bernabeu ku heynaya ilaa 2025, balse waxaa lagu jabin karaa heshiiskiisa 640 Malyan oo Yuuro waana in ka badan Lionel Messi. (Marca)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here