Manchester City ayaa galabta marti u noqon doonta Newcastle United, waa kulanka ugu soo horreeya kulamada 14-aad ee Premier League, waxeyna doonayaan iney guul gaaraan si ay ugu soo dhawaadaan hogaanka horyaalka.

Kooxda difaacaneysa horyaalka waxey ku bilaabatay fasalkaan si hoose, 3-guuldaro ayey qaateen kaliya 13-kulan oo horyaalka la ciyaaray, taasoo keentay iney 9-dhibcood kor u fiiriyaan Liverpool oo ku fadhisa hogaanka.

Kooxda martida loo yahay waxey rabaan iney iska dhaqaan ceebtii kasoo gaartay Aston Villa markaas oo 2-0 lagu dilay kulan dhacay Isniintii, waxeyna fadhiyaan booska 14-aad ee horyaalka.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Newcastle United vs Manchester City

Tartanka: Premier League

Garoonka: St James Park

Saacadda: 3:30 Galabnimo (XGA)

Garsoore: Christopher Kavanagh (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Kooxda martida waxaa ka maqnaan doona kabtankooda Lascelles kaas oo dhaawac jilibka ah qaba, sidoo kale Matt Ritchie ayaa qaliin labaad oo anqawga ah lagu sameyn doonaa.

Florian Lejeune ayaa kasoo muuqan kara kooxda kadib markii uu kasoo kabtay dhaawac jilibka ah, sidoo kalana Sean Longstaff ayaa saddex kulan oo ganaax ah kadib kusoo laaban kara safka hore.

Manchester City waxey weyneysaa Sergio Aguero kaas oo dhaawac uu soo gaaray kulankii Chelsea, Leroy Sane iyo Aymeric Laporte wali dhaawacyo ayey kooxda kaga maqan yahiin.

Gabriel Jesus ayaa filanaya inuu ka faa’ideysto maqnaashaha Aguero.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Newcastle:

Dubravka; Yedlin, Fernandez, Clark, Dummett, Willems; Almiron, S Longstaff, Shelvey, Saint-Maximin; Joelinton

Manchester City:

Ederson; Cancelo, Fernandinho, Stones, Mendy; Gundogan, Rodri, De Bruyne; Sterling, Jesus, Bernardo

XAQIIQADA KULANKA:

Newcastle United ayaa hogaamineysa guulaha labada dhinac, 72-jeer ayey ka badisay Man City halka ay guuldaro qaadatay 68-jeer, 39-jeer ayeyna barbaro galeen.

Magpies-ka ayaa guul gaaray kulankii ugu dambeeyay oo ay labada kooxood ku ciyaaraan St James Park, 2-1 ayaana lagu suldaaray difaacdayaasha horyaalka.

Markii ugu dambeysay oo ay City kusoo badiso guriga Newcastle waxey aheyd December 2017, Sterling ayaana dhaliyay goolka guusha.

Intii u dhaxeysay January 2009 ilaa October 2015 – Manchester City waxey badisay 12-kulan oo xiriir ah kulamada horyaalka ay la ciyaartay Newcastle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here