Liverpool ayaa guriga aysan jecleyn kooxaha qaaradda yurub kusoo dhaweyneysa kooxda heer dhexaadka ah ee Brighton & Hove Albion, waxeyna doonayaan iney sii adkeystaan rikoorkooda guuldaro la’aanta ee kulamada horyaalka, sidoo kalana waxey ciyaari doonaan iyagoo ogsoon natiijada ay heshay kooxda la fahamsan yahay iney horyaalka kula dagaalameyso ee Manchester City.

Reds waxey hogaanka horyaalka ku heysaa sideed dhibcood, kaliya laba dhibcood ayeyna lumisay 13-kulan oo ay ciyaartay tartanka, balse gurigeeda waxey 1-1 kula gashay Napoli kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub.

Jurgen Klopp wuxuu doonayaa iney kooxdiisa sameyso wax walba oo ay kusoo afjari karto dhibaatada ka heysata iney ku guuleysato horyaal, waxeyna sanadkaan yahiin kuwa ugu cad-cad ilaa iyo hadda.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Liverpool vs Brighton & Hove Albion

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield Road

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

Garsoore: Martin Atkinson (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Liverpool ma heli doonto Fabinho ilaa laga gaaro sanadka cusub, sidaas darteed Jurgen Klopp wuxuu qaadi doonaa tallaabo ay kooxdiisa kaga tashato xiddiga reer Brazil ee ka mid ahaa kuwa ugu muhiimsan kooxda.

Waxaa la rajeynayaa Keita, Lallana ama Chamberlain in lagu soo daro dhexda, walow ay adag tahay in Reds laga dhex helo xiddig sida Fabinho kubadda ugu qeybin kara dhamaan ciyaartoda.

Mohamed Salah ayaa kusoo laaban kara kulamada horyaalka, halka Naby keita la rajeynayo inuu taam buuxa u noqdo kulanka.

Lewis Dunk ayaa kasoo laabanaya ganaax, halka Aaron Connolly uu isna kasoo laabanayo dhaawac dhanka Brighton.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool:

Alisson; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Henderson, Lallana, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane

Brighton:

Ryan; Montoya, Dunk, Duffy, Burn; Alzate, Propper, Stephens, Trossard; Maupay, Connolly

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa guul gaartay toddobadii ciyaarood ee ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood dhamaan tartamada oo dhan ku kulmaan, waxaana ku jirta afar kulan oo wakhtiga Premier League-ga ah taasoo la iska dhaliya guud ahaan 11-2ز

Sagaal ka mid ah goolashaas waxey yimaadeen fasalkii ugu horreeyay oo ay heerkaan yimaadeen, balse fasalkii lasoo dhaafay hormar ayey sameeyeen min 1-o ayaa looga adkaaday minan iyo marti – Salah ayaana dhaliyay labada jeerba.

Brighton ayaan garaacin Liverpool tan iyo January 1984 markaas oo ay isaga hor yimaadeen FA Cup, halka guusha kaliya oo ay Anfield ku gaareen ay heleen March 1982 kulan 1-0 ku dhamaaday iyadoo Reds ay aheyd kooxda difaacaneysa tartanka yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here