Chelsea ayaa dooneysa iney soo rogaal celiso, isla markaana kasoo kabato dhibaatadii ku qabsatay isbuucii lasoo dhaafay garoonka Etihad Stadium, markii ay u martiyeen difaacdayaasha horyaalka.

Blues oo hadda kaalinta 4-aad fadhisa ayaa dooneysa iney wadadii guulaha dib ugu soo laabato, maadaama ay xitaa ku guuldareysatay iney badiso kulankii koobka UEFA Champions League oo ay martida u noqdeen Valencia.

Hammers waxey ku jirtaa dhibaato iyadoo aan wax guul ah gaarin sideedii kulan ee ugu dambeysay, taasna waxey keentay in Manuel Pellegrini la siiyo laba kulan uu ku badbaadsado shaqadiisa.

Lampard wuxuu wajahayaa macalinkii wakhtiga yar ku maamulay Manchester City, waxaana laga yaabaa inuu masuul ka noqdo shaqo ka ceyrintiisa.

WABIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs West Ham

Tartanka: Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

Garsoore: Jonathan Moss (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Abraham ayaa seegi doona kulanka kadib markii ay jug soo gaartay ciyaartii Valencia ee koobka yurub, Isniinta ayaana la ogaan doonaa dhibta uu qabo iyo mudada uu garoomada ka maqnaan karo.

Lampard wuxuu sameyn doonaa isku shaandheyn daafaca dhexe ah maadaama meesha ay kooxdiisa ka liidato ay halkaas tahay, waxaa suuragal ah in kursiga keydka la dhigo Azpilicueta.

Sidoo kale Mason Mount ayaa booska kala bixi kara Kovacic, halka Pedro laga yaabo inuu booska kala baxo Willian.

Dhanka kale Carlos Sanchez ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo, Fabian Balbuena ayaa isna daafaca dhexe kusoo laaban doona.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Arrizabalaga; James, Zouma, Tomori, Palmieri; Jorginho, Kante; Pedro, Mount, Pulisic; Batshuayi

West Ham United:

Roberto; Fredericks, Diop, Balbuena, Cresswell; Noble, Rice, Sanchez; Antonio, Anderson, Haller

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

kulanka maanta waa midkii 113-aad ee labadaan kooxood tartan rasmi ah ku dhexmara, Chelsea ayaa guuleysatay 50-jeer, West Ham iyana 40-jeer.

Afartii sano lasoo dhaafay natiijooyin kala duwan ayaa kasoo baxayay kulankaan mana jirin koox laba guul oo xiriri ah heleysay, mudadaas waxaa la is arkay 9-kulan.

West Ham kuma adkaan Stamford Bridge tan iyo September 2002, markaas oo ay ku badiyeen gool uu dhaliyay Paolo Di Canio kulan ku dhamaaday 3-2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here