Hal magac ayaa la dhex muuqda liiska ciyaartoyda ay Manchester United u magacowday kulanka ay u safrayaan kooxda Astana habeenka Khamiista ee Europa League.

Daafaca Max Taylor waligiis uma dheelin kooxda koowaad ee Manchester United. Xiddigaan ku dhashay Manchester oo 19 sanno jir ah ayaa tusaale kale u ah sida uu tababare Ole Gunnar Solskjaer uu fursad u siinayo xiddigaha da’da yar.

Laakiin Max Taylor waxa ay u tahay talaabo kale oo ka mid ah dagaal uu ugu jiray naftiisa isagoo laga helay cudurka kansarka ee qooraha ku dhaca sannadkii hore.

“Dhacdadaan waxa ay sii kordhisay hamigeyga” ayuu Taylor u sheegay BBC Sport. “Wax walba waan isku dayaa. Ha cabsanin”

Dhulka ayaa la gadoomay Max Taylor bishii Juun 2018, shan bilood ka dib markii uu qandaraaskiisii ugu horeysay ee xirfadle ah u saxiixay Manchester United.

“Waxaan qooraheyga ka dareemay wax kuusan oo iga soo baxay. Dhakhtarka ayaa baaris ku sameeayy waxaana uu u maleeyay inay aheyd boog-hoosaad oo dadka da’deyda oo kale ay ka soo baxdo. Laakiin waxa uu ku celiyay baaritaanka, wixii kuusnaa ayaa sii balaartay, waxa uu ii diray dhakhtar takhasus ah, kaasoo baaris kale ii diiray. Waxaa ka dib la ii sheegay inay tahay buro oo ah nooca kansarka ee qooraha ku dhaca.” ayuu yiri Taylor.

Taylor ayaa markii warkaan loo sheegayay waxaa la joogtay hooyadiis oo uu sheegay inay oohin bilowday, halka uu isna sheegay inay ku aheyd amakaak islamarkaana dunidii ay ku soo yaraatay.

Baaritaano kale oo lagu sameeyay waxaa lagu ogaaday in kansarka uu ku faafay ilaa iyo caloosha islamarkaana uu qeyb ahaan gaaray sanbabada. Iyadoo Taylor uu xusay inay taasi sii walwalgelisay.

Waxaa durbabadiiba lagu bilaabay daweynta loo yaqaano Chemotherapy taasoo wax badan ka caawisay soo kabsashadiisa, waxayna haatan keentay inuu ku soo laabto garoomada iyadoo la filayo inuu ciyaaro kulanka habeen danbe ee Europa League.

Max Taylor ayaa sheegay inuu doonayo inuu saameyn ku yeesho garoomada si kansarka uusan u noqonin waxa kaliya ee lagu xusuusan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here