Eden Hazard ayaa lagu qasbay inuu dhaawac ku baxo intii ay socotay kulankii barbaraha 2-2 ku dhamaaday ee Paris Saint-Germain.

Xiddiga reer Belgium ayaa awood u lahaa inuu socod uga baxo garoonka ka dib qalad uu ku galay daafaca PSG Thomas Meunier qeybtii labaad, sidaasi darteed waxaa macquul ah in dhaawaca uusan halis u aheyn sidii markii hore laga baqayay.

Hazard ayaa haatan gaaray heerkii ugu fiicnaa ee qaab ciyaareedkiisa taasoo la micno ah in dhaawaca canqowga ka soo gaaray uu yimid waqtigii ugu xumaa.

Waxa uu cadaadis joogta ah ku hayay Paris Saint-Germain mudadii uu garoonka ku jiray, waxaana ay si fiican isku fahmeen Karim Benzema iyo Marcelo.

Real Madrid ayaan weli wax war rasmi ah ka soo saarin dhaawaca Eden Hazard laakiin tababare Zidane ayaa sheegay in jug kaliya aysan canqowga ka soo gaarin balse ay u dheereyd murgacasho.

Hazard ayaa lagu sawiray garoonka Santiago Bernabeu iyadoo loo dhiibayo biraha lagu boodo madaama uu xanuun ka dareemayay canqowga.

Real Madrid ayaa kulamo xiriir ah ciyaareysa isbuucyada soo socda kuwaasoo aan sahlaneyn, waxa ay gurigooda ku booqanayaan kooxda Alaves halka ay Espanyol ku soo dhaweynayaan Bernabeu.

Kulanka ugu danbeeya wareega group-yada Champions League ee Club Brugge ma ahan mid muhiim ah laakiin waxa ay dhowr maalmood gudaheed booqan doonaan kooxaha Valencia iyo Barcelona.

Tababare Zinedine Zidane ayaana ku duceysanaya in dhaawaca Hazard uusan noqonin mid ku seego kulamadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here