Group B

Bayern Munich ayaa xaqiijisatay inay kaalinta koowaad uga soo baxday Group B ka dib markii ay lix gool iyo waxba ku xasuuqeen kooxda Red Star Belgrade iyadoo Robert Lewandowski uu afar gool dhaliyay halka goolasha kale ay kala saxiixeen Leon Goretzka iyo Corentin Tolisso

Kooxda Jarmalka ayaa wada badisay dhamaan shantii kulan ee ay ciyaareen wareega group-yada iyagoo leh 15 dhibcood, waxayna xaqiijisteen inay ku soo baxeen kaalinta koowaad iyadoo kulan uu u sii harsan yahay.

Dhanka kale kooxda Tottenham ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Olympiacos oo ay ku garaaceen 4-2 islamarkaana iska xaadirisay wareega 16ka ee Champions League iyadoo Jose Mourinho uu guul ku bilowday kulankiisii ugu horeysay ee guriga kooxdiisa cusub ee Tottenham.

Spurs ayaa labo gool looga naxsaday qeybtii hore ee ciyaarta laakiin Dele Alli ayaa gool u soo celiyay dhamaadkii qeybtii hore, waxaana u barbareeyay Harry Kane ka hor inta uusan daafaca Serge Arieur uusan goolka guusha u saxiixin, waxaana guusha sii xaqiijiyay Harry Kane oo dhaliyay goolka afaraad ee ciyaarta iyo goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Spurs ayaa ku soo baxday kaalinta labaad ee Group B iyagoo leh 10 dhibcood shan kulan oo ay dheeleen. Waxayna wareega 16ka kula biirayaan Bayern Munich.

Group C

Manchester City ayaa xaqiijisatay u soo bixitaankeeda wareega 16ka Champions League ka dib markii ay barbaro 1-1 la galeen kooxda Shakhtar Donestk, waxayna ku soo baxeen kaalinta koowaad ee Group C.

Ilkay Gundogan ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Pep Guardiola laakiin waxaa kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donetsk u barbareeyay Manor Solomon. Barbarahaas ayaana ka dhigan in City ay ku soo baxday 11 dhibcood iyagoo shan dhibcood ka sareeya kooxda kaalinta labaad ee Shakhtar Donetsk oo leh lix dhibcood.

Tartanka loogu jiro booska kaalinta labaad ee Group C ayaase kululaaday ka dib markii ay Atlanta ay 2-0 kaga badisay Dimano Zagreb. Kooxda Talyaaniga ayaa leh afar dhibcood halka Dinano Zagreb ay leedahay shan dhibcood iyadoo hal kulan uu group-ka ka haray.

Group D

Juventus ayaa xaqiijisatay inay ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group D ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Atletico Madrid oo marti ku aheyd garoonka Allianz Arena.

Paulo Dybala ayaa goolka guusha u saxiixay kooxda Bianconeri isagoo dhaliyay laad xor oo cajiib ah, waxa uu shabaqa ka toogtay xagal ciriiri ah oo laadka xorta ahaa loo dhigay isagoo kubada meel kore ka geliyay shabaqa.

Bianconeri waxay leedahay 13 dhibcood iyagoo lix dhibcood ka sareeya Atletico oo labaad ku jirta taasoo ka dhigan inay kaalinta 1aad ee Group D ay xaqiijisteen. Atletico soo bixitaankeeda waxay ku xiran tahay kulanka ugu danbeeya Group D madaama ay leeyihiin 7 dhibcood halka Bayer Leverkusen oo ka soo badisay Lokomotiv Moscow ay leedahay lix dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here