Xidhiidhka kubadda cagta Africa ee CAF ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska 30-ka xiddig ee ku tartami doona abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa qaarada ee sanadkan 2019 oo wakhtiyadiisii ugu dambeeyay lagu jiro.

Sanadkan ayaa noqonaya midkii 28-aad ee abaalmarintan si rasmi ah loogu tartamo iyadoo la bixin doono 7-da bisha January ee sanadka 2020 laguna bixin doono magaalada Hurghada ee dalka Masar.

Liiskan ayaa ah mid ay soo xulaan gudi iyo waliba xirfadlayaal farsamo waxaana lagu bixiyaa abaalmarino dhawr ah oo ay kamid yihiin Xiddiga sanadka ee Africa, Tababaraha sanadka ee Africa, Da’yarka sanadka ee Africa, Goolka sanadka & waliba shaxda Africa ugu fiicnayd sanadkaas iyadoo rag iyo dumarba ay loolanka ku jiraan.

Sidoo kale waxa dib loo soo celiyay abaalmarintii xiddigaha kooxaha madaniga ah ee gudaha qaarada ka dhex ciyaara iyadoo la bixin doono lana siin doono mid kamida xiddigihii ugu fiicnaa kooxaha tartanka CAF.

Halkan Kaga Boggo Liiska Tartamayaasha Oo Dhan

Image

Image

Ciyaartoyda ugu cad cad ee abaalmarintan ku tartami doona ayay u badan tahay inay noqon doonaan Sadio Mane, Mohamed Salah iyo Aubameyang oo si wadajir ah xilli ciyaareedkii hore ugu guuleystay gool dhalinta Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here