(Manchester) 24 Nof 2019. Macalinka reer Norway ee Ole Gunnar Solskjær ayaa wuxuu fariin niyadjab ah u diray taageerayaasha kooxdiisa Manchester United, taasoo ku aadan suurtogalnimada ay ku gali karaan suuqa kala iibsiga furmi doono bisha Janaayo ee soo socota.

Manchester United ayaa lala xiriirinayay magacyada xiddigo dhowr ah suuqa furmi doono bisha Janaayo, waxaana ugu muhiimsan laacibka kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, iyo Erling Braut Håland oo weerarka kaga ciyaaraha naadiga Red Bull Salzburg.

Haddaba wargeyska “Telegraph” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay macalinka kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Bar-tilmaameedyadeenu waxaa suurtogal ah inaan helin bisha Janaayo, sababtoo ah kooxaha ma xiiseenayaan inay iibiyaan ciyaartoydooda bartamaha xilli ciyaareedka”.

“Arrinta kuma xirna lacagta ay tahay inaan qarash gareyno, balse waxay ku xiran tahay cidda aan u maleyneyno inay anfici doonto kooxda mustaqbalka fog, ma ahan xallin ku meel gaar ah ee ku saabsan seddex ama afar bilood”.

“Waxaa suurtogal ah in hal ilaa iyo labo ciyaaryahan aan ku helno qaab amaah ah, laakiin heshiis kuma sameyn karno lacago xoogan”.

Manchester United ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay si aad u liidata, waxaana ay kaalinta 10-aad kaga jiraan dhanka kala sarreynta horyaalka Premier League iyagoo leh 16 dhibcood.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here