Halyeeyga Arsenal Tony Adams ayaa tooshka ku ifiyay tababare Unai Emery kadib barbarahii ay la galeen Southampton kulan ka tirsan Premier League, kooxda martida loo ahaa ee Gunners ayaana ka badabaday in laga guuleysto maadaama daqiiqadii 96-aad ay gool ka heleen Lacazette.

Gunners waxey natiijadaas uga dhigneed ineysan wax guul ah gaarin lixdii kulan ee ugu dambeeyay, taasina waxey cadaadiska kusii badineysaa tababare Unai Emery kaas oo si weyn loo saluugsan yahay hanaanka uu wax u maamulo.

Dhawaan ayey aheyd markii maamulka ay taageero u muujiyaan macalinkaan, balse jamaahiirta kooxda iyo halyeeyada ayaan wali ku qancin qaabka uu wax u maamulo, Tony Adams wuxuu ka dhawaajiyay iney tani kooxda ku tahay ceeb.

Sidoo kale Adams waxaa sii xanuujiyay sida ay Spurs u sameysay isbadal markii ay hoos u dhac yar dareentay, halka Arsenal ay wali dulqaad u muujineyso macalin sida uu sheegay xitaa ciyaartoyda uu heesto hoos u dhigay.

“Waa wax aad u xun, ma xasuusan karo inaan waligey arkay difaac sidaan u xun, macalinkaan ma hormarin karo ciyaartoydiisa, taasna waxey ka dhigan tahay inaan u baahanahay macalin cusub, waxa ka dhacaya waqooyiga London (Tottenham) waxey cadaadis weyn ku kordhinayaan ninkaan, taageerayaasha kuma faraxsana sidaan iyo waxa ay arkayaan” ayuu yiri Adams

Si kastaba Unai Emery wuxuu la kulmayaa cadaadis aan caadi aheyn, waxaana la saadaalinayaa inuu noqon doono tababaraha xiga ee la ceyriyo hadii uu sii joogteeyo natiijooyinkaan xun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here