Kanaalka ree England ee Sky Sports ayaa sameeyay shaxdiisa isku dhafka ah ee kulanka Manchester vs Chelsea ee caawa lagu balansan yahay gegida Etihad Stadium ciyaar natiijada kasoo baxdaa ay saamayn ku yeelan doonto afarta sarre ee horyaalka.

Shaxdan ayaa ah mid ay lix ciyaaryoy ku yeelatay kooxda martida loo yahay ee City halka Chelsea ay afar ciyaartoy ku yeelatay iyadoo ay sababta xulashada xiddigaha Blues ee shanta ah saamaysay ciyaartoyda ka maqan City.

Tusaale ahaan Blues ayaa helaya boosaska daafaca dhexe maadaama oo uu maqan yahay Aymeric Laporte oo kamida daafacyada ugu wanaagsan PL si lamid ah garabka midig ee weerarka maadaama oo uu kulankan ka ganaaxan yahay Bernardo Silva.

Aan ku bilawnee goolhayaha shaxdan ayaa ah Ederson Moraes oo kasoo hormaray dhigiisa Chelsea ee Kepa Arrizabalaga sababtoo ah inuu in ka badan isaga shabaqa ilaashadan xilli ciyaareedkan.

Labada daafac dhexe ee shaxdan ayaa ah xiddigaha Chelsea saamaynta ku yeeshay ee Kurt Zouma iyo Fikayo Tomori halka labada garab daafac ay kala yihiin Kyle Walker iyo Benjamin Mendy oo labaduba Sky Blues ka socda.

Khadka dhexe ee shaxdan oo saddex ah ayay Chelsea laba ku yeelatay, N’Golo Kante ayaa noqday bur-buriyaha shaxdan halka Kevin De Bruyne uu sida muuqata booskiisa helay iyadoo da’yarka Chelsea kasoo dhalaalay ee Mason Mount uu kasoo horreeyay David Silva.

Saddexleyda weerarka ee shaxdan ayaa kala ah Willian Borges oo kamida xiddigaha ugu khibrada badan safka da’yarta u badan ee Chelsea, Sergio Aguero oo laga doorbiday Tammy Abraham iyo Raheem Sterling oo kasoo hormaray Christian Pulisic.

Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Chelsea vs Man City Ee Xulashada Sky Sports”

Ederson, Walker, Zouma, Tomori, Mendy, Kante, Mount, De Bruyne, Willian, Sterling, Aguero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here