Da’yarka dhawaan galka ah ee kooxda Chelsea Christian Pulisic ayaa ku dhaw inuu rekoodh cusub oo khaas u ah xiddigaha dalkiisa America ka dhigo horyaalka Premier League kulanka ay booqanayaan Manchester City.

Chelsea ayaa Sabtida booqanaysa kooxda difaacanaysa horyaalka kulan noqonaya tijaabadii ugu adkayd ee uu ilaa haatan Frank Lampard ku marayo Blues isaga oo markii ugu horreysay tagaya Etihad Stadium ka tababare ahaan.

Chelsea ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan qaab wanaagsan kusoo hoos bandhigtay Frank Lampard oo kaliya leh hal sano oo khibrad tababarenimo ah oo uu kusoo qaatay kooxdiisii hore ee Derby County.

Balse hab maamulkiisa uu uga faa’idaystay xiddigaha da’yarta ah ee kooxda ayaa waji cusub u yeeshay Chelsea xilli ay Tammy Abraham, Mason Mount iyo Fikayo Tomori dhammaan xiddigo muhiim ah noqdeen.

Intaa waxa dheer Pulisic oo suuqii xagaaga si rasmi ah ugu soo wareegay Blues walow ay January 2019 la saxeexdeen isaga oo kulamadii ugu dambeeyay si fiican usoo dhalaalay walow uu qaab gaabis ah ku bilawday xilli ciyaareedka.

Rekoodhka khaaska ah ee uu Pulisic samaysan karo kulanka Manchester City ayaa ah inuu noqon doono ciyaartoygii ugu horreeyay ee Maraykan ah ee afar kulan oo xidhiidh ah goolal ka dhaliya Premier League.

Kulankaas ayay Chelsea guul ay gaadho kusii rumayn kartaa dadaalkeeda ah inay horyaalka u tartami karto balse Pep Guardiola iyo ciyaartoydiisa ayaa la filayaa inay aad uga go’naan doonto helista saddexda dhibcood ee kulankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here