Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay awoodi karto inay saxeexa tababare Mauricio Pochettino ku garaacdo dhigeeda Manchester United iyo Bayern Munich kaddib markii ay talaabo deg deg ah qaadeen.

Pochettino ayaa Salaasadii laga caydhiyay Spurs kaddib qaab xun oo ay xilli ciyaareedka ku bilawdeen iyaga oo booska 14-aad kaga jira miiska kala sarreynta isla markaana Carabao Cup kaga hadhay gacmaha kooxda heerka labaad ee Colchester.

Tababaraha ree Argentina ayaa la sheegayaa inuu ku laabtay gurigiisa Spain iyadoo wararka saxaafada kubadda cagtu ay xusayaan in kooxaha safka dheer u galaya saxeexiisa ay kamid yihiin United, Bayern iyo Barca.

Sida laga soo xiganayo wargeyska The Sun, Barcelona ayaa ah kooxda samaysay dalabka ugu xoogan ee ilaa haatan Pochettino lagu doonayo iyagoo faa’idada iyo gacanta sarre ka heli kara kooxaha kale ee la tartamaya.

Barca ayaa xilli ciyaareedkan dhibaato ku hoos maraysa tababare Ernesto Valverde iyagoo la kulmay saddex guuldarro oo kulamada horyaalka ah halka ay kuwo aan cajiib ahayn ka ahaayeen Champions League.

Si kastaba, Pochettino ayaa la filayaa inuu halka sarre ka gali doono liiska rabitaanka tababareyaasha ee Barcelona maadaama oo ay qorshaynayaan tababare bedelis mustaqbalka dhaw.

Arrintan ayaa noqonaysa mid layaab leh maadaama oo uu horeba Poch u diiday inuu maamulo Barcelona kaddib markii uu Luis Enrique kooxda ka dhaqaaqay sanadkii 2017.

Sababta uu Mauricio u diidayo Blaugrana ayaa ah inuu daacad u yahay kooxdiisii hore ee Espanyol oo uu xifaaltan kala dhexeeyo Barca oo ay Catalonia wada matalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here