Dhokumentariga ay dhawaan soo saari doonto Barcelona ee Matchday ayaa laga helay nuqul cusub oo cajiib ah kaddib markii uu kasoo muuqday dareenkii xaaska Gerard Pique ee Shakira kulankii ay Barca guuldarrada 4-0 ah kasoo gaadhay Liverpool.

Kulankaas ayaa ahaa mid ay la yaabeen inta badan jamaahiirta kubadda cagtu kaddib markii Liverpool oo Anfield ku ciyaaraysa ay natiijadii lugta hore ee 3-0 ka ahayd isku darka ka dhigtay 4-3.

Waxa suurogal ah in shaqsiyaadka ka shaqeeya samaynta Aflaamtu ay filanayeen inay duubi doonaan damaashaad Barcelona ku saabsan xilli ciyaareedkii hore balse waxa ay ugu dambayn qabteen natiijadii qalbi jabka ahayd ee Anfield ku gaadhay.

Si kastaba, Qof ayaa wakhtigaas go’aansaday inuu kaamero qarsoon ka duubo xaaska Pique oo kulanka ku daawanaysay qolkeeda iyadoo ay weheliyaan caruurteedu xilli dareenkeedii uu noqday mid cajiib ah.

Shakira oo u qaadan wayday waxa Anfield ka soconayay ayaa ku qaylisay “Maya, Ma rumaysan karo, Maya” halka dareenkda caruurteedu uu yahay mid aan isbedel lahayn walow wiilkeeda wayni uu kulanka kala sheekaysanayo.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here