Madaxweynahii hore xiriirka qaaradda yurub ee UEFA Michel Platini ayaa xaqiijiyay inuusan dib ugu soo laaban doonin kooxda Juventus, balse wuxuu usoo jeediyay iney lasoo saxiixdaan Kylian Mbappe, halka uu isbarbardhigay Paulo Dybala iyo Roberto Baggio.

Platini oo wakhti adag fiican ku qaatay magaalada Turin ayaa wargeyska Tuttosport uga warramay mustaqbalkiisa kubadda cagta isagoo xayeysiinaya buugiisa cusub ee “The King is Nude”

Diiqii reer France wuxuu meesha ka saaray inuu dib ugu laabanayo Juventus, halkaas oo uu guulo badan ku gaaray sideetameeyadii, balse wuxuu qiray inuu xiriir fiican la leeyahay Andrea Agnelli oo ah madaxa ururka ay ku mideysan yahiin kooxaha qaaradda yurub.

“Wax badan ayey i weydiiyeen, balse kuma noolaan kartid sheeko jaceyl laba jeer” ayuu yiri Michel Platini oo la hadlayay wargeyska.

“Inaan kala shaqeeyo Agnelli ururka ay ku mideysan yahiin kooxaha yurub, wax walba ayaa macquul ah, xiriir fiican ayaan la leeyahay isaga, balse waligiis ima weydiin wax arrintaas ku saabsan, sidoo kale waligiis ma igala hadlin waxa ku saabsan tartanka Super Champions League”

Lambarkii 10-aad ee Juventus wuxuu ka dhawaajiyay in Paulo Dybala uu waxyaabo badan kala mid yahay halyeeyo kooxda soo maray.

“Wax badan ayuu kala siman yahay Alessandro Del Piero iyo Roberto Baggio in ka badan aniga”

“Zidane ayaa wax badan nafteyda i xasuusiya sababtoo ah waxaan aheyn ciyaartoy khadka dhexe ah, Dybala wuxuu leeyahay tayo fiican, sidoo kalana wax walba ayuu si dhaqso ah ku sameyn karaa sida Baggio”

“Waan jeclahay Neymar Junior, kadib waxaa jira wiilkaan oo isna u ciyaara Paris Saint Germain, kaas oo isna nafsad ahaan xumeyn”

“Mbappe, waa isaga! Wuxuu noqon karaa xiddig 10-ka sano ee soo socda, qof walba ayaan usoo jeedinayaa”

“Ma garan karo hadii Juventus ay wakhtigaan awoodi karto, waxeyna ila tahay inuu dhibaato noqon karo mustaqbalka maadaama uu qiimahiisa kordhi karo wax badan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here