Luis Enrique ayaa lagu soo warramayaa inuu dib ugu soo laaban doono qaranka Spain, si uu tartanka Euro 2020 u maamulo, waxeyna tani timid kadib markii Robert Moreno uu ka dagay xilka uu qaranka u haayay kadib kulankii ay xalay xasuuqeen Romania.

Robert Moreno wuxuu xilka uga dagay sida la sheegay inuu fursad siiyo Enrique oo xaalado qoyska ah uga tagay qaranka, sida laga soo xigtay Cope xiriirka kubadda cagta Spain ay xiriir la sameeyeen Luis Enrique si uu tartanka qaramada yurub xulka u maamulo.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Luis Enrique qudhiisa uu ogolaaday inuu dib ugu soo laabto La Roja kadib wadahadal dhexmaray macalinkii hore Barcelona iyo xiriirka kubadda cagta Spain, waxaana la filayaa in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda.

“Waan iska xasili doonaa” ayuu Moreno yiri bishii September xilli la weydiiyay waxa uu sameyn lahaa hadii Luis Enrique uu doonayo inuu kusoo laabto qaranka.

Shabakadda MARCA waxey ka dhawaajisay in xiriirka kubadda cagta Spain ay doonayaan inuu soo laabto Luis Enrique, dooqooda labaadna waa tababaraha Valencia Marcelino.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here