Xulka San Marino ayaa u dabaal dagay goolkiisii ugu horreeyay muddo laba sano ah ay dhaliyaan dhamaan tartamada oo dhan, sidoo kalana muddo lix sano ah kadib markii ugu horreysay ayey gool ku dhaliyeen gurigooda.

Xulkaan waxaa la aas-aasay sanadkii 1990, tan iyo markaas hal jeer ayey guul gaareen waana ciyaar saaxiibtinimo oo ay ka badiyeen Liechtenstein, sidoo kalana saddex jeer ayey shabaqooda ka ilaashadeen kooxaha ay ka hor yimaadeen.

Xulkaan wuxuu mar walba ka qeyb galaa tartamada isreeb-reebka koobka Adduunka iyo sidoo kale kan qaaradda yurub, waxeyna raadinayaan iney guul helaan.

Si kastaba San Marino ayaa gool ka heshay Kazakhstan kulan dhacay sabtidii, ciyaartaas waxey noqotay mid diiwaanka lagu qoray, daqiiqadii 76-aad ayeyna heleen goolkii ugu horreeyay muddo laba sano ah ay dhaliyaan iyo sidoo kale muddo lix sano ah oo ay gurigooda gool ku dhaliyaan.

Marka laga tago goolkaa, San Marino waxey dhaliyeen goolkooda kale bishii September 2017, markaas waxey 1-5 guuldaro ah ka qaateen xulka Azerbaijan.

17-kulan iyo 1623 daqiiqo oo aysan wax gool ah dhalin kadib Filippo Berardi ayaa gool u dhaliyay qarankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here