Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto garoomada kubadda cagta, kaliya hal koox ayuuna isha ku haayaa inuu leyliyo si uu taariikh uga sameeyo horyaalka Premier League.

Macalinkaan saddexda jeer ku guuleystay horyaalka Premier League ayaa laga ceyriyay shaqada Red Devils dhamaadka sanadkii 2018, tan iyo markaas ma helin shaqo kooxeed, walow uu wali ku jiro kubadda cagta maadaama uu ka tirsan yahay falanqeeyayaasha Sky Sports.

Si kastaba macalinkaan reer Portugal ayaa lagu soo warramayaa inuu iska diiday ugu yaraan saddex dalab oo ay usoo direen kooxaha ugu waaweyn qaaradda yurub, wuxuuna kaliya isha ku hayaa inuu helo hal shaqo.

Warageyska The Sun ayaa hoosta ka xariiqay in Jose Mourinho uu doonayo inuu leyliyo Tottenham Hotspur, wuxuuna sugayaa kaliya inta ay kooxda ka dhisan London ka ceyrineyso tababare Mauricio Pochettino.

Sidoo kale waxaa la fahamsan yahay in macalinkaan uu fursad u heysto shaqada Real Madrid, xilli Florentino Perez uu haatan saluugayo natiijooyinka Zinedine Zidane wuxuuna isha ku hayaa inuu mar kale soo celiyo Mourinho.

Si kastaba Jose Mourinho ayaa saaxiibadiisa dhaw u sheegay inuusan koox kale aqbaleynin inta ay fursadi uga banaan tahay shaqada Spurs, wuxuuna doonayaa inuu saddex kooxood oo kala duwan kana dhisan England guulo la gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here