Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dooda ku saabsan badaladii lagu sameeyay labadiisii kulan ee ugu dambeeyay kulamada kooxdiisa, wuxuuna xaqiijiyay inuusan taam buuxa aheyn.

Kabtanka Portugal ayaa ka carooday labadii badal ee lagu sameeyay, waxeyna arintaan hadla heyn badan ka dhalisay baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka, taageerayaasha xiddiga ayaa aad uga carooday wixii xiddigaan lagu sameeyay.

Tababare Maurizio Sarri ayaa xaqiijiyay labadii jeer uu badalay xiddigiisa inuu dhaawac ahaa, taasna dad badan waxey u arkeen in macalinkaan uu qaladkiisa ku daboolayo isla markaana uu si cad ugu gardaroonayo xiddiga ugu muhiimsan kooxda.

Si kastaba Ronaldo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta hadal heynta dhalisay, wuxuuna u sheegay qof walba inuusan taam buuxa aheyn, balse ay qof walba ogtahay inuu ka caroodo marka badal lagu sameeyo isagoon raali ka aheyn.

“Waan fahmay badaladii la igu sameeyay, 100% taam ma aheyn” ayuu yiri Ronaldo.

“Sidoo kale labadii kulan ee Portugal aan u ciyaaray, sidoo kale taam buuxa ma aheyn”

“Balse sharaf weyn ayey ii tahay inaan nafteyda u huray qarankeyga”

“Waayaheyga, waligey lama kulmin dhaawac halis ah, anigoo sida caadiga ah ciyaara 50 ilaa 60 kulan, balse mararka qaar waxaan la kulmaa raaxo darro taasoo iga hor istaagta inaan 100% ahaado” ayuu mar kale yiri Ronaldo.

“Qof wax wuu dhihi karaa, gaar ahaan tababaraha ama aniga, balse waad ogtahay sida caadiga ah wax badan kuma hadlo shirarka jaraa’id”

“Saddexdii isbuuc ee ugu dambeysay waxaan ahaa mid xadidan, qof walba wuu ogyahay inaan jecleyn badalka, balse wax dhib ah ma lahan sidaan uga falceliyay kadib badalka, waxaan isku dayay inaan dhaawaca ku caawiyo Juventus”

“Qofna ma jecla in la badalo, balse waan fahmay arinta, sababtoo ah labadaas kulan xaaladeyda ma aheyn mid taam ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here