Xoghayaha farsamada kooxda Barcelona ee Eric Abidal ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Mundo Deportivo markale kusoo hiyi kiciyay jamaahiirta kooxdiisa ee suuqii xagaaga ee dhawaa sida weyn u sugayay dib ula soo saxeexashada Neymar JR balse ku hungoobay.

Hadal haynta Neymar ee xagaagii dhawaa waxa ay ahayd mid ay ku daaleen jamaahiirta kala duwan ee kubadda cagtu iyadoo lala xidhiidhinayay kooxo dhawr ah oo ay ugu horreysay Barca.

Image result for Abidal Interview"

Image result for Abidal Interview"

Kooxahaas ayaa dhammaantood awoodi waayay inay la kulmaan dalabaadka Paris Saint-Germain ee ahaa inay doonaysay kaliya lacag kaash ah balse aysan doonayn heshiislacag iyo ciyaartoy ka kooban xilli ay dalbanayeen dhammaan 222 Milyankii ay kasoo bixiyeen laba sano kahor.

27 jirkan ayaa la filayaa inuu markale kooxdiisa ka codsan doono bixitaan suuqyada soo socda waana sababta ay kooxo badani weysada ugu biyaysanayaan inay markale isku dayaan saxeexiisa.

Xaalad kastaba, Abidal oo haatan dib u huriyay wararkii xanta ahaa ayaa diiday inuu meesha ka saaro suurogalnimada ay Neymar kula soo wareegi karaan isaga oo sheegay in ciyaartoy leh falsafada Barcelona uu markasta iyaga dookh u furan yahay.

Abidal oo Mundo Deportivo u warramaya ayaa yidhi “Ciyaartoy sarre oo leh falsafada Barca kaas oo bandhig heer sarre ah samaynaya waxa uu markasta noqon doonaa dookh”.

“Laga soo bilaabo halkaas, Marka la joogo heerka kubadda cagta waxaanu samayn karnaa go’aamo laakiin arrinka dhaqaalaha oo dhan waxa jira waxyaabo aad gaadhi karto (Dhaqale ahaan) iyo kuwo aanad gaadhi karin, Mustaqbalka ayaa sheegi doona”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here