Kooxda haatan hoggaanka u haysa horyaalka Premier League ee Liverpool oo sidoo kale dhinac ka wadata qorshayaasheeda suuqa kala iibsiga ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka gaadhay saxeexa da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Tababare Jurgen Klopp oo lagu sheegay shaqsiga go’aanka gaadhay ayaa la sheegayaa inuu kasoo horjeedsaday saxeexa Mbappe isagoo taa bedelkeeda doortay 19 sano jirka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Image result for Jadon Sancho Liverpool badge"

Image result for Jadon Sancho Liverpool badge"

Rabitaanka Sancho ee Liverpool ayaa saamaynaya Man United oo in badan lala xidhiidhinayay balse haatan kooxda ay ka go’antahay inay la wareegto ayaa ah Reds sida lagu sheegay il wareedka Eldesmarque.

Eldesmarque oo faah-faahin bixiyay ayaa sheegay in xataa Real Madrid oo tartanka Sancho ku jirtay ay dhibaato ku qabto xiisaha ka imanaya Liverpool maadaama oo aysan dhaqaale weyn u helayn haatan oo ay lacago badan xagaagii dhawaa soo isticmaashay.

Man United ayaa iyadu dhaqaale ahaan tartami karta balse sababta uu kaga leexan karo Sancho ayaa ah haddii ay usoo bixi waayaan Champions League xilli ciyaareedka dambe iyagoon haatanba haynin wadadii ay ugu soo bixi lahaayeen.

Mid kamida sababaha uu Sancho u xiisaynayo kusoo laabashada horyalka England ayaa ah inuu doonayo inuu Manchester City u caddeeyo inay ku qaldanayd inay fasaxday sanadkii 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here