Tababaraha shaqo la’aanta ah tan iyo bishii December ee sanadkii hore ee Jose Mourinho oo kooxo badan lala xidhiidhinayay dhawaanahan ayaa lagu soo warramayaa inay jiraan laba kooxood oo uu xaaladooda si dhaw ula socdo.

Labadaas kooxood ayaa kala ah kooxdiisii hore ee Real Madrid oo uu iyada rajo gaar ah ka qabo iyo kooxda ree London ee Tottenham taas oo niyada ka dilaysa jamaahiirtii Arsenal ee filanaysay in kooxdoodu ay ku bedeli doonto tababaraha dhibtoonaya ee Unai Emery.

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, Dookhyada tababare ee Tottenham ayaa noqon doona kuwo kooban haddii uu baxo Mauricio Pochettino taas oo kor u qaadaysa fursada uu shaqadaas ku helayo Special One.

Spurs ayaa qaab xun ku bilawday xilli ciyaareedkan iyagoo booska 14-aad kaga jira Premier League kaddib 12 kulan oo la ciyaaray isla markaana kaliya hal guul soo gaadhay afartii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Jose ayaa sidoo kale helaya suurogalnimo ee ugu laabto Real Madrid oo uu soo hoggaamiyay intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2013, Tababare Zidane ayaa dhibaatooyin maray tan iyo kusoo laabashadiisii Bernabeu waana arrin fursad siin karta Mourinho.

Sidoo kale waxa jirta aragtida ah in haddiiba Zidane laga caydhiyo xilkiisa Real Madrid ay Real Madrid marka hore eegi doono Pochettino balse xidhiidhka fiican ee ka dhexeeya madaxweyne Florentino Perez iyo Mourinho ayaa ah mid tababaraha ree Portugal gacanta sarre siin kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here