Labada xul qaran ee Brazil vs Argentina ayaa xifaaltankooda kubaddeed ee koonfurta America caawa usoo wareejin doona dhinaca qaarada Asia iyaga oo dalka Saudi Arabia kuwada ciyaari doona kulan saaxiibtinimo saacada geeska Africa marka ay tahay 8:00 fiidnimo.

Kulankan ayaa ah mid ay Argetina haystaan hoggaankooda Lionel Messi balse waxa dhigiisa waayaya xulka Brazil oo uu wali dhaawac kaga maqan yahay Neymar JR xilli uu kaliya gal gool u jiro inuu jabiyo rekoodhka gool dhalinta xulkiisa abid oo uu ka dambeeyo Ronaldo.

Sidoo kale xulka Brazil ayay dhaawac kaga maqan yihiin goolhaye Ederson Moraes iyo David Neres iyadoo boos loo waayay xiddigaha kala ah Dani Alves, Marcelo, Fernandinho, Vinicius, Everton & Douglas Costa.

Dhinaca kale marka laga yimaado in Argentina ay soo dhaweynayaan kulankan kabtanlooda Messi waxa sidoo kale loo wacay Sergio Aguero oo xulka ka maqnaa kulamadii ugu dambeeyay.

Paulo Dybala ayaa ah dookh kulankan la xulan karo si lamid ah Lautaro Martinez balse sheekada lama filaanka ah ayaa ah in xulka aan lagu soo darin Angel Di Maria oo wacdarro ku dhigaya PSG sidoo kalena markale xulka laga saaray Mauro Icardo.

Shaxda Macquulka Ah Ee Kulankan Ee Labada Xul Qaran

Brazil: Alisson, Danilo, Silva, Marquinhos, Sandro, Arthur, Casemiro, Coutinho, Jesus, Firmino, Richarlison.

Argetina: Marchesin, Foyth, Pezzella, Otamendi, Acuna, De Paul, Paredes, Lo Celso, Messi, Aguero, Martinez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here