Tababare Pep Guardiola ayaa si layaab leh loola xiriirinayaa dib ugu laabashada garoonka Allianz Arena si uu mar kale u leyliyo Bayern Munich, waxaana soo baxaya sheekooyin uu warinayo wargeyska The BILD oo muujinaya inuu macalinkaan ka socdaalayo Premier League.

Macalinkaan Jarmalka ah ayaa laga yaabaa inuu badalo Niko Kovac kaas oo musiibo dhexda ka galay, balse qorshaha ma ahan inuu yimaado bartamaha xilli ciyaareeda, waxaana la leeyahay wuxuu sugayaa ilaa dhamaadka fasalkaan.

Guardiola ilaa wali wuxuu xiriir wacan la leeyahay agaasimayaasha Bayern Munich maadaama uu iskiis u go’aansaday inuu isaga tago kooxda kadib saddex sano oo guulo maxali ah xambaarsan, wuxuuna mudadaas kula guuleystay 7-koob oo ay ku jirto saddex jeer horyaalka Bundesliga.

Wargeyska The Bild ayaa sheegaya in Pep Guardiola uu wali xiriir la leeyahay maamulka Bayern, sidoo kalana dhawr bilood ka hor uu si qarsoodi ah usoo booqday xerada tababarka kooxda.

Sidoo kale qoyska Guardiola waxey magaalada Munich u heystaan sida gurigooda, sidoo kalana waxey u guureen magaalada Barelona maadaama ay la qabsan waayeen nolosha magaalada Manchester.

Waxaa la aaminsan yahay farxad la’aanta qoyskiisa iney faa’iido u noqoto Bayern Munich, waxaana laga yaabaa iney mar kale u yeeraan.

Sidoo kale wuxuu horay uga qoomameeyay inuu afar sano ku sugnaa Barcelona balse uu kaliya saddex sano ku qaatay Bayern Munich, waxaana intaas sii dheer in macalinkaan uu jahawareer ka qaaday guuldaradii ay isbuucaan ku dhufteen Liverpool taasoo kooxdiisa ka riday kaalinta 4-aad ee horyaalka iyagoo ah difaacdayaasha horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here