Arsenal ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay Leicester City kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxeyna sababtay in kooxda ay aad uga fogaato kaalinta afaraad ee horyaalka maadaama ay u dhaadhacday kaalinta 6-aad ee horyaalka.

Jamaahiirta Gunners waa kuwa ugu badan ee baraha bulshada dareenkooda ku muujiya, waxeyna aad u saluugsan yahiin shaqada tababare Unai Emery kaas oo loo badinayo in laga ceyrin doono garoonka Emirates Stadium.

Siyaasi u dhashay Nigeria isla markaana caan ka ah twitter-ka ayaa muujiyay sida uu kaga niyad jabay kooxdiisa fasal ciyaareedkaan iyo tababare Unai Emery, wuxuuna soo qoray qoraal yar oo ka yimid qalbigiisa.

“Xilli ciyaareedka kooxdeyda Arsenal wuu dhamaaday, waxaan daawashadeeda bilaabi doonaa marka aan ceyrino Unai Emery” ayuu soo qoray Dr. Joe Abah.

Waa mid ka mid ah dadka u dhaqaaqa siyaasadda ee wadanka Nigeria, sidoo kalana waa shaqsi aad ugu taqasusay sharciga lana shaqeeya hay’adaha dib u dhiska xiriirka bulshada, dhawr jeer ayuuna soo galay hadal heynta wadankiisa.

Sidoo kale taageere Arsenal ah ayaa soo dhigay dhawr xaqiiqo oo isaga u muuqda, wuxuuna isha ku hayaa in la ceyriyo Unai Emery.

“1 guul 7-kulan”

“6 guul kaliya 19-kii kulan ee ugu dambeeyay PL-ka”

“Wax qaab ah ma heyno”

“Emery ma yaqaano shaxdiisa ugu fiican”

“Kabtankii hore ayaa la dirirsan jamaahiirta”

“Farqiga goolasheena waa ebar (0)”

“Saxiixeena ugu qaalisan kama mid ah safka hore”

“Torreira, Auba & Lacazette waxaa lagu eedeynayaa iney baxayaan”

“Intas waa nagu filan tahay, EmeryOut”

Fariintaan waxey aheyd middii ugu soo jiidashada badneed ee lagu soo qoray baraha bulshada gaar ahaan twitter-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here