Arsenal waxey la kulantay guuldaro sababtay iney kaalinta 6-aad ee horyaalka u dhacaan, walow ay dhibcaha kala siman yahiin Sheffield United hadana dhanka farqiga goolasha ayaa looga badan yahay.

Laba gool oo ay dhaliyeen Jamie Vardy & James Maddison ayaa Leicester City ka saaciday iney guul ka hesho Gunners, waxeyna natiijadaas dhaxalsiisay iney kaalinta 2-aad ee horyaalka si kumeel gaar ah ugu fariistaan iyagoo dhibcaha kala siman Blues balse farqiga goolasha kaga sarreeya.

Kadib kulamada fasaxa, Gunners waxey la ciyaari doontaa Southampton halka Leicester ay booqan doonto Brighton & Hove Albion.

YAA NOQDAY XIDDIGA GAROONKA?

James Maddison ayaa noqday xiddiga garoonka, xiddigaan reer England si fiican ayuu kooxda uga saaciday guushii caawa, gool ayuu dhaliyay, sidoo kalana dadaal dheeraad ah ayuu bixiyay iyadoo la xasuusto inuu birta kore ku dhuftay kubad laad xor aheyd qeybta hore.

YAA UGU LIITAY KULANKA?

Daafaca Arsenal Rob Holding ayaa helay qiimeynta ugu liidata kulanka, xiddigaan reer England ee ka mid ahaa ciyaartoydii kusoo bilowday wuxuu helay (5), mana jiro xiddig kale oo intaas helay.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD:

Leicester: Schmeichel (7), Pereira (8), Soyuncu (7), Evans (7), Chilwell (7), Ndidi (8), Tielemans (8), Barnes (7), Perez (7), Maddison (9), Vardy (8).

Badalka: Gray (7), Praet (lama qiimeyn).

Arsenal: Leno (6), Bellerin (6), Chambers (6), Luiz (6), Holding (5), Kolasinac (6), Guendouzi (6), Torreira (6), Ozil (6), Lacazette (6), Aubameyang (6).

Badalka: Pepe (lama qiimeyn), Willock (lama qiimeyn).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here