Tababaraha Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa markiisa ka jawaabay hadalkii agaasimaha ciyaaraha ee Paris Saint-Germain ee Leonardo kasoo yeedhay ee uu ku durayay isla Zidane oo hore uga hadlay da’yarka kooxdaas ee Kylian Mbappe.

Zidane ayaa dhawaan ganay hadal leeb ku ah madaxda Paris kaddib markii uu sheegay in kooxda riyada ee Mbappe ay tahay Real Madrid hadalkaas ayaana dhaliyay inuu saxaafada soo fadhiisto agaasime Leonardo.

Leonardo oo aan jeclsaysan hadalka kasoo yeedhay Zidane ayaa tababarahan u sheegay inuu joojiyo hadaladaas balse Zizou oo markale jawaabay ayaa saxaafada u sheegay kaliya waxa uu rabitaanka Mbappe yahay.

“Anigu waxba ma odhan, Waxaan kaliya sheegay wixii uu ciyaartoygu yidhi, In riyadiisu ay ahayd inuu halkan ka ciyaaro” Ayuu yidhi kahor kulanka ay booqanayaan Eibar.

Dhinaca kale tababaraha ree France ayaa sheegay in kulanka ay Eibar booqanayaan uu yahay mid adag isaga oo diiday inuu hoos u dhigo xooganaanta kulankaas kaddib markii ay 6-0 kusoo xaaqeen Galatasaraay.

Zidane oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Kulan kastaa waa min adag, Malaha laga yaabaa inuu xataa kasii adag yahay kulanku marka Eibar la joogo”.

“Waa garoon wax yar ka duwan kuwa kale, Malaha wax yar ayuu ka yar yahay, Laakiin markasta way adagtahay halkaasi, Diyaar ayaanu u nahay inaanu ciyaarno kulan wanaagsan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here