Real Madrid ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka La Liga kadib markii ay gurigooda kusoo xasuuqeen kooxda Eibar kulan xiiso lahaa oo uu shumaca u shiday Karim Benzema kaas oo laba gool shabaqa dhex dhigay.

Los Blancos waxey fadhiyaan halka ugu sarreysa 12-kulan oo ay ciyaareen waxey shaqeysteen 25-dhibcood, kaliya Balaugrana ayaa hogaanka kala wareegi karta waaba hadii guul kasoo gaarto Celta Vigo kulanka caawa waliba wax ka badan laba gool.

Zinedine Zidane wuxuu sameeyay isbadal weyn, goolka koowaad ee boqortooyada waxaa dhaliyay Karim Benzema daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta, isla qeybtii hore Ramos ayaa sidii caadada aheydba u istaagay inuu tuuro rigoore loo dhigay kooxdiisa wuuna dhaliyay.

Kabtanka qaranka La Roja ayaa helay fursad uu gool labaad ku dhaliyo markii rigoore loo dhigay mar kale kooxdiisa, balse Karim Benzema ayuu siiyay fursad uu gool kale ku dhaliyo kaas oo ah kan ugu muhiimsan kooxda.

Da’yarka khadka dhexe Federico Valverde ayaa gool shabaqa gaarsiiyay daqiiqadii 61-aad kadib caawinaad uu ka helay Luka Modric.

Karim Benzema ayaa rikoor sameeyay wuxuuna dhanka goolasha horyaalka ku garaacay halyeeygii hore kooxda Ferenc Puskas, xiddiga reer France goolkiisii furitaanka ee ciyaarta wuxuu ahaa midkii 157-aad ee uu kooxda u dhaliyo ciyaaraha La Liga, wuxuuna hal dhaafay Puskas.

Tan iyo markii uu baxay Ronaldo isaga ayaa la wareegay dhanka gooldhalinta, fasalkii hore wuxuu dhaliyay 30-gool, fasalkaan durba wuxuu marayaa 12-gool dhamaan tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here