Miyaa la ceyrinayaa tababare Unai Emery? Wali lama oga, balse sawir laga helay kulankii ay caawa guuldarada kala kulmeen Leicester City ayaa u muuqda mid wax badan ifinaya, waxeyna arintaan cirka sii galineysaa wararka xanta ah ee ku gadaaman mustaqbalka macalinkaan.

Mustaqbalka tababare Unai Emery waxaa saarnaa cadaadis aan caadi aheyn isbuucyadii lasoo dhaafay kadib markii kooxdiisa ay si aan loo baahneyn ku bilaabatay fasalkaan kulamada horyalka.

Gunners waxey 2-0 guuldaro ah ka qaateen Leicester City kulan ka dhacay King Power Stadium, waana kulan fududeyn kara in macalinkaan shaqada laga ceyriyo.

Jamaahiirta kooxda Gunners kuma qanacsana hanaanka macalinkaan, waxaana jirtay in maalmahii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay inuu Jose Mourinho imaan doono garoonka Emirates Stadium.

Si kastaba kulankii caawa ee guuldarada haleeshay Gunners waxaa daawanayay laba ka mid ah xubnaha maamulka kooxda.

Raul Sanllehi iyo Edu ayey kaamiradu qabatay iyagoo daawanaya ciyaartii King Power Stadium ka dhacay, sawirkaan wuxuu noqday mid aad looga hadal haayo baraha bulshada, Jamaahiirta kooxda ayaana aaminsan in maamulka ay markaan indhahooda ku arkeen wax walba.

Unai Emery shaqadiisa cabsi badan ayaa ka jirta, waxeyna u badan tahay inuu noqon doono kan xiga ee laga ceyrin doono kooxaha Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here