Goolhayaha kooxda Manchester United ee Sergio Romero ayaa shaaca ka qaaday arrin ku saabsan da’yarka daafaca bidix ee kooxdiisa ee Brandon Williams iyo sida ay u arkaan isaga iyo Marcos Rojo oo ay Argentina kasoo wada jeedaan.

Williams waa mid kamida da’yarta xilli ciyaareedkan fursadoodii ugu horreysay ee kooxda waaweyn ka helay tababare Ole Gunnar Solskjaer waxaana lagu xasuustaa qaab ciyaareedkiisii kulamadii Partizan ee Europe League iyo midkii Chelsea ee Carabao Cup.

Romero ayaa sheegay in isaga iyo Rojo ay u arkaan Williams mid iyaga la dhalasho ah oo South American ah ama dalalka Koonfurta America kasoo jeeda sababtoo ah qaabka uu u ciyaarayo.

Goolhaye Romero ayaa 19 sano jirkan ku amaanay sida uu ka go’naanshaha u leeyahay, In marka kubadda loo baasi waayo uu qaylinayo iyo guud ahaan rabitaankiisa ciyaareed ee garoonka dhexdiisa.

Sergio ayaa yidhi “Aniga iyo Marquitos (Marcos Rojo) ahaan, Inaan aragno isaga oo ciyaaraya waa sida daawashada mid anaga naga mid ah, South American”.

“Ka go’naanshaha uu muujiyo, Sida uu ka dareemayo kubadda cagta, Isagu marnaba kubadda uma dhiibo si ay u lunto, Da’da 19 sano jirka waxa uu ku leeyahay maskaxda uu ku awoodo inuu kubadda dalbado iyo inuu markasta gacan siiyo xiddigaha ay isku kooxda yihiin”.

“Isagu kaliya ma doonayo inuu kubadda difaaco, Isagu baaska ayuu sugayaa haddii aysan u imana wuu ku qaylinayaa si uu u helo, Dhammaan waxaasi waxay anaga na xasuusinayaan ciyaartoyda koonfur ameerican-ka ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here