Berito (Axad) waxaa jira kulanka ugu weyn qaaradda yurub marka lagu jaangooyo awoodaha kooxaha, sidey labadii sano ee ugu dambeysay ugu dagaalamayeen horyaalka Premier League iyo sida uu xaalkooda hadda yahay, waxaana la isugu imaan doonaa garoonka Anfield oo ah garoon aysan jecleyn iney koox walba oo qaaradda yurub ah booqato.

Manchester City wax guul ah kuma gaarin gurigaas ku yaala gobolka Merseyside tan iyo 2003, Pep Guardiola saddex jeer ayuu soo booqday gurigaan hal jeer ayuu guuldaro ka badbaaday, balse markaan wuxuu doonayaa inuu soo afjaro rikoorka xun oo uu ka heysto gurigaan ay leedahay Liverpool.

Macalinkaan wuxuu ka dhawaajiyay in Reds ay tahay kooxdii ugu adkeyd abid uu wajaho, isagoo iska indho tiray kooxdii Real Madrid ee isagoo jooga 100-ka dhibcood ku qaaday horyaalka La Liga, waxaana markaas hogaaminayay Jose Mourinho.

Si kastaba kulanka berito waa mid dhimasho iyo nolol u ah kooxda uu hogaamiyo Guardiola, guuldaro ay la kulmaan waxey gali karaan kaalinta 4-aad waase hadii ay guulo gaaraan Leicester City iyo Chelsea oo maanta kulamadooda ciyaaraya, sidoo kalana 9-dhibcood ayey ka hoos marayaan Liverpool.

Balse hadii ay guuleystaan waxey dhadhan u yeeli doonaan tartanka horyaalka, waxey 3-dhibcood u jirsan doonaan hogaanka, sidoo kalana tartanka wuxuu noqon doonaa mid furan maadaama xitaa kooxaha kale ay soo dhawaanayaan.

Manchester City waxaa ka maqan in ka badan shan ciyaartoy oo kuwa ugu muhiimsan ah waxaana laga xusi karaa: Leroy Sane, Rodri, Ederson Moares, Zinchenko iyo Aymeric Laporte kuwaas oo udub dhexaad u ahaa shaxda tababare Guardiola, halka Liverpool aysan dhibaato qabin marka laga reebo Salah oo wali lugta ka xanuunsanaya balse taam ah.

Haddaba codkaaga dhiibo, kooxdee is leedahay wey guuleysan kartaa:

HALKAAN KA CODEEY:

Sidoo kale saadaashada kulanka iyo waxa aad is leedahay wey ka dhici karaan qeybta Comments-ka kusoo qor, hadii ay saadaashaada iyo habka falanqeyntaada ay noqoto mid qurux badan waan soo qaadan doonaa insha allaah kadib natiijada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here