Xiddigii hore xulka Japan Keisuke Honda ayaa sameeyay taariikh kadib markii uu laba masuuiyad qaaday, mar waa ciyaaryahan wuxuuna ka tirsan yahay kooxda Vitesse ee dalka Holland, marna waa tababare wuxuuna maamulaa xulka qaranka Cambodia.

Xiddigaan qaranka Japan u matalay tartamadii koobka Adduunka 2010, 2014 iyo 2018, sidoo kale wuxuu kula guuleystay qarankiisa koobkii qaramada qaaradda Asia ee 2011 la qabtay, waxaana loo doortay xiddigii tartanka.

Inkastoo uu kasoo muuqday kooxo ay Ac Milan ka mid tahay hadana bishii September ee lasoo dhaafay ayuu xiddigaan twitter-ka kaga dalbaday Man United iy Milan iney qandaraas siiyaan, balse horaantii bishaan ayuu hal sano heshiis ah ka helay Vitesse.

Bishii August 2018 ayey aheyd markii loo magacaabay xilka tababaranimo ee qaranka Cambodia, shirkiisa jaraa’id ee ugu horreeyay wuxuu dalbaday inuu dib u habeyn lagu sameeyay shaqaalaha tababarka.

Marka uu maqan yahay waxaa xulka sii haga Felix Dalmas, 10-kii September sanadkii hore ayuu la kulmay guuldaradaii ugu horreysay markaasna waxaa 3-1 kaga badiyay Malaysia isagoo tababare ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here