Burcadkii hubeysnaa ee isku dayay inuu dhaco laba ka mid ah xiddigaha Arsenal ayaa lagu xukumay xabsi 10-sanadood, waana markii labaad uu sanadkaan gudahiisa falal burcadnimo kula kacayo ciyaartoyda kubada cagta.

Maxkamadda Harrow Crown ayaa laga sheegay in Ashley Smith oo 30-jir ah iyo shaqsi ku caawiyay inuu falkaan geysto kaas oo isna lagu magacaabo Jordan Northover oo 26-jir ah ay bartilmaameed ka dhigteen labada xiddig ee Saed Kolasinac iyo Mesut Ozil.

Sida la xaqiijiyay burcadkaan ayaa isku dayay inuu xiddigahaan ka furto saacado lagu qiimeeyay 200,000 kun oo Pound, sido kale waxaa la sheegay in Smith uu qirtay isku daygii uu ku damcay inuu u dhaco guriga Saed Kolasinac kaas oo ku yaala waqooyi galbeed London taariikhdu markey aheyd 25-kii Luulyo (July).

Maxkamadda ayuu kasoo muuqday maanta oo jimco ah eedeysanaha ka hor inta aan lagu ridin xukun 10-sanadood oo xarig ah, warbaahinta Ingiriiska ayaa xaqiijisay in hooyadiis ay aad uga murugootay xukunka.

Dhinaca kale Jordan Northover isna wakhti kale ayaa la xukumi doonaa, waxaana la keeay muuqaal muujinaya sida uu kaga qeyb qaatay isku dayga, waxaana la helay muuqaal uu kula dagaalamay Saed Kolasinac.

Ozil oo ay xiligaas la socotay xaaskiisa, ayaa goobta dhaqso uga tagay ka hor inta uusan gabaad ka dhigan maqaaxi agagaarkiisa ku taalay oo ay leeyahiin dad u dhashay turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here