Qaar ka mid ah macalimiinta ugu sarreysa qaaradda yurub ayaa isniinta ku kulmi doona magaalada Nyon ee xarunta u ah xiriirka kubadda cagta qaaradda yurub, waana kulan ay soo qaban-qaabisay hay’adda UEFA taasoo ujeedkeedu yahay iney tababarayaasha kooxaha waaweyn kaga doodaan sida ay u socdaan tartamada yurub.

Jose Mourinho oo aan hadda wax shaqo ah heynin ayaa ka mid ah dadka tagaya goobta, waxaana sidoo kale ka qeybgali doona Zinedine Zidane oo mar Real Madrid kala shaqeeyay macalinka reer Portugal.

Dhacdadaan waa fursad ay tababarayaasha ku gudbin karaan fikradahooda ku aadan dhibaatada lagu qabo tartamada yurub, sidoo kalana waxey ka doodi doonaan isla markaana soo jeedin ku aadan mustaqbalka horyaalada u gudbin doonaan UEFA.

Macalimiinta lagu casuumay waxey kala yahiin:

Jurgen Klopp (Liverpool), Maurizio Sarri (Juventus), Pep Guardiola (Man City), Carlo Ancelotti (Napoli), Thomas Tuchel (Paris Saint-Germain), Erik ten Hag (Ajax), Unai Emery (Arsenal), Ole Gunnar Solskjaer (Manchester United), Sergio Conceicao (Porto), Paulo Fonseca (Roma) iyo Rudi Garcia (Lyon).

Sidoo kale waxaa lagu casuumay kulankaan tababarahii hore Juventus Massimiliano Allegri iyo sidoo kale macalinka reer Romania Mircea Lucescu kuwaas oo aan wax shaqo ah hadda ka heynin kubadda cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here