(Turin) 06 Nof 2019. Cristiano Ronaldo ayaa soo barbareeyay rikoodhka halyeeyga reer Talyaani ee Paolo Maldini ee ah tirada inta kulan uu ka qeyb galay tartanka Champions League.

Weeraryahanka reer Portugal ayaa wuxuu haatan noqday xiddiga labaad ee ugu safashada badan tartanka Champions League, waxaana liiskan kaga sareeya kaliya Iker Casillas.

Ronaldo ayaa wuxuu rikoodhkan soo barbareeyay kaddib markii uu ku soo baxay shaxda rasmiga ah ee kooxda Juventus kulanka haatan socda ay Lokomotiv Moscow ku wada ciyaarayaan tartanka Champions League.

Sidaas darteed weeraryahanka reer Portugal ayaa haatan ciyaaraya kulankiisii 174-aad ee tartanka Champions League, wuxuuna rikoodhkan ka soo barbareeyay halyeeyg kooxda AC Milan ee Paolo Maldini.

Tani waxay la micno tahay in Cristiano Ronaldo uu jabin karo rikoodhka Iker Casillas, kaasoo ciyaaray 188 kulan ee Champions League ah, waana ciyaaryahanka ugu safashada badan taariikhda tartankan.

Cristiano Ronaldo ayaa u soo ciyaaray kulamada tartamada Yurub kooxaha Sporting Lisbon, Manchester United, Real Madrid iyo Juventus.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here