(Manchester) 06 Nof 2019. Kooxda Manchester United ayaa habeen dambe ku soo dhaweyn doonto garoonkeeda Old Trafford kooxda Partizan Belgrade, si ay u wada ciyaaraan kulankooda afaraad ee GROUP L tartanka Europa League, iyadoo kulankan uu seegi doono xiddig muhiim u ah qorshaha tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Victor Lindelof ayaa seegi doona kulanka habeen dambe ay Manchester United Europa League kula ciyaari doonto naadig Partizan Belgrade isagoo ku maqnaan dono dhaawac dhanka dhabarka ah.

Daafaca dhexe ee reer Sweden ayaa dhaawacan uu ka soo gaaray kulankii Carabao Cup ay guusha ka gaareen kooxda Chelsea isbuucii hore, wuxuuna isagoo dhaawacan ciyaaray kulankii ay isbuucaan la ciyaarayaan Bournemouth.

Victor Lindelof will miss Manchester United's Europa League visit of Partizan Belgrade

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa maanta oo Arbaco ah xaqiijiyay in Victor Lindelof uu seegi doono kulanka habeen dambe ee kooda Partizan Belgrade.

Haddaba Tababaraha reer Norway ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu ku sheegay”

“’Lindelof? Taam uma noqon doono kulanka barri, Maya”.

“Wuxuu dhaawac ka soo gaaray kulankii Chelsea, waxa uu ka soo muuqday kulnkii Bournemouth iyadoo aan wax fal celin ah la sameynin, sidaa darteed wuxuu maqnaan doonaa berry”.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here