(Manchester) 06 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay 80 milyan oo gini ku soo qaadanayso xiddiga Kai Havertz, kaasoo bartilmaameed u ah kooxaha kale ee Manchester City, Liverpool iyo Bayern Munich.

Sida ay warinayso Jariiradda Mirror, Kooxda Manchester United ayaa diyaar u ah inay dalab weyn ka gudbiso xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz.

Havertz oo 20-sano jir ah ayaa soo jiitay sidoo kale indhaha kooxaha Manchester City, Liverpool iyo Bayern Munich, kuwaasoo dhankooda ka doonaya inay la soo wareegaan.

Red Devils ayaa rajaynaysa inay xiddigan ka xadaan kooxaha aan soo sheegnay, waxaana ay ku bixinayaan adeegga laacibkan khadka dhexe lacag dhan 80 milyan oo gini oo u dhiganta 103 milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here