Khabiirka Sky Sports Paul Merson ayaa sheega in Liverpool ay hal gacan ku dhigi doonto koobka horyaalka Premier League haddii ay garaacaan Manchester City.

Maqaal uu ku qoray mareegta Sky Sports maanta ayuu si fiican ugu sharaxay kulanka Axada ka dhacaya Anfield, waxaana warbixintiisa ay u qorneyd sida tan:

Indhaha oo dhan waxay ku jeedaan Anfield

Liverpool iyo Manchester City waxay ahaayeen kuwa dhulka yaala kulamadii ay la ciyaareen Aston Villa iyo Southampton laakiin hadana waxa ay heleen jawaabta. Labada kooxood waa kuwa aan ka daaleynin u tartanka horyaalka laakiin ma arko si ay ku soo laaban karto City haddii Liverpool ay badiso kulanka Axada.

Liverpool waxa hogaanka ku qaban doontaa sagaal dhibcood oo nadiif ah guul ay ku gaaraan Anfield, sida aan ku soo aragnay garoonka Villa Park, waa ilaaween sida loo guuldareysto sidaasi darteed ma arko si looga badin karo seddex kulan si City ay u soo noqoto.

Waa kulan aad u weyn. Waa kulan ay Liverpool ku faraxsanaan doonto barbaro taasoo keeni doonta inay lix dhibcood ku sii hogaamiyaan horyaalka iyagoo la ciyaaray City. Marka aad eegto sida ay Liverpool u ciyaareyso waqti xaadirkaan, xoriyada ay goolasha ku dhalinayaan, waa ay igu adag tahay inaan horyaalka u saadaaliyo koox aan iyaga aheyn haddii ay badiyaan.

Dadku waxay leeyihiin waa bilow xilli ciyaareedkan laakiin doodaas waa ay iga careysiisaa. Horyaalka waxa uu bilowday bishii Agoosto, kulan walba waa muhiim, haddii Liverpool ay sagaal dhibcood oo nadiif ah hogaanka ku qabato, waxay dani uu jirtaa Manchester City inay dareenkeeda u weeciso Champions League.

Kulanka Axada waxa uu noqon doonaa kulan adag, kooxdii fursada ugu horeysa iska qasaarisa ayaana laga badin doonaa. Manchester City shabaqa kama ilaashan karto Liverpool, Liverpool iyagana shabaqa kama ilaashan karaa City. Waxa kaliya aan arko waa goolal, xiddigo badan oo weerar tayo leh ayaa garoonka isla soo geli doona. Haddii ay noqoto ciyaar weerar iyo weerar celis ah markaas Liverpool ayaa badin doonta sababtoo ah daafacyada City ma celin karaa seddexda weeraryahan ee Reds.

Pep Guardiola shaki la’aan waa tababare weyn, laakiin kulamada ceynkaan oo kale ah ayaa u noqda tijaao. Inuu ciyaartiisa furfuro ayaa halis noqon doonto sida ay Liverpool hore u soo cadeysay, sidaasi darteed waxaa laga yaabaa inuu wax ka bedelo falsafadiisa oo uu difaac galo si uu u koontaroolo Liverpool. City kuma qasbana inay badiso, weli tartanka horyaalka waa ay ku jiri doonaan haddii hogaanka uu lix dhibcood sii ahaado, laakiin ma awoodaan in laga badiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here