(Munich) 04 Nof 2019. Kaddib markii ay kooxda Bayern Munich iska ceyrisay hoggaamiyahoodii Nico Kovac, waxaa soo baxay warar ka sheegaya in macallimiin  badan ay u sharraxan yihiin la wareegista kursiga hoggaamineed ee kooxda Jarmalka ah.

Macallimiinta kala ah Jose Mourinho, Arsene Wenger, Massimiliano Allegri iyo Ralf Rangnick ayaa ah musharrixiinta ugu cad cad ee badelaya Niko Kovac oo noqon doona macallinka kooxda Bayern Munich sida warbixinta lagu sheegay.

Macallinkii shaqada laga cayriyay ee reer Croatia ayaa kula guuleysatay kooxda reer Jarmal  koobab aan badnayn xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay, laakiin 18 bilood oo uu kooxda la joogay waxaa soo gabagabeysay guuldarradii 5-1 ee Sabtidii ka soo gaartay Eintracht Frankfurt.

Tababare ku xigeenka Hans Flick ayaa loo magacaabay inuu kooxdiisa sii maamulo waliba si ku meel gaar ah kulanka arbacada ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Naadiga Olympiacos iyo kulanka Sabtida ee ay la dheeli doonaan kooxda Borussia Dortmund.

Halka Tababarihii hore ee RB Leipzig Rangnick uu yahay qofka guud ahaan jecel inuu shaqadan qabto, sida laga soo xigtay Bookmakers Jose Mourinho ayaa ah qofka labaad ee ugu dhow ee la wareegi kara shaqada kooxda reer Jarmal.

Rangnick ayaa xilli ciyareedkii hore waxa uu hoggaaminayay kooxda ku ciyaarta garoonka Red Bull Arena xilli uu ku hoggaamiyay kaalinta saddexaad oo ay ka gashay horyaalka Bundesliga sanadkii la soo dhaafay, sidoo kale waxa uu leeyahay qibrad horyaalkan ah, maadaama uu horay u soo maamulay kooxaha  Schalke, Hoffenheim, Stuttgart iyo Hannover.

Dhanka kale, Mourinho ayaa shaqada ka maqnaa tan iyo markii uu ka soo tagay Manchester United bishii December, inkastoo uusan qibrad u lahayn ka shaqeynta Jarmalka, laakiin wuxuu leeyahay qibrad aad u badan oo kubadda cagta Yurub ah iyo Champions League.

Sidoo kale waxaa liiska musharaxiinta macallimiinta maamuli kara kooxda Bayern Munich ay ka mid ah hoggaamiyihii hore ee Arsenal, Arsena Winger, Tababarihii hore ee Juve, Massimiliano Allegri  iyo kuwa kale oo badan, xilli aan la ogeyn hoggamiyaha ugu habboon oo ay kooxda Jarmalka u dooran doonto  macallinkeeda xiga.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here