Maamulka Arsenal ayaa tallaabo u qaadaya iney meesha ka saaraan Unai Emery kadib markii lasoo wariyay in macalinka reer Spain la siiyay wakhti uu ku badbaadsado mustaqbalkiisa kooxda kadib markii uu keenay natiijooyin aan lagu qancin fasal ciyaareedkaan bilowga ah.

Arsenal waxey doorbideysaa haatan iney fursad siiso Unai Emery, waxaana laga war dhawri doonaa sida uu kooxda u maamulo bishaan November oo ay kooxda ciyaareyso afar kulan oo qura, laba ka tirsan horyaalka iyo laba tartanka yurub ah.

Sidoo kale warbixinta waxey qireysaa in Gunners ay inkireyso kulankii la sheegay iney yeesheen madaxa kubadda cagta kooxda iyo tababare Jose Mourinho, waana sheekada keentay hadal heynta ugu badan ee la xiriirta mustaqbalka Unai Emery.

Gunners hadii ay guuldaro kala kulanto Leicester City isbuuca soo aadan waxey 9-dhibcood u jiri doontaa kaalinta 4-aad ee horyaalka, waxaana imaan doonta cabsi ku aadan iney kooxda fasalkaan ku dhameysan weyso booska looga soo baxo koobka horyaalada yurub.

Unai Emery ma ogola inuu baxo, balse jamaahiirta ayaa lumiyay kalsoonidii ay ku qabeen macalinkii hore Paris Saint Germain, waxaana codeyn laga sameeyay baraha bulshada lagu ogaaday sida ay u doonayaan inuu baxo.

55,000 taageerayaal ah ayaa ka qeyb galay codeyn ku saabsan xaaladda Unai Emery, 88% waxey u codeeyeen inuu iska baxo kadib barbarahii ay la galeen Wolverhampton.

Si kastaba Jose Mourinho waa macalinka ugu cad-cad ee shaqadaan la wareegi kara iyadoo la filayo in maamulka ay go’aan ka gaaraan mustaqbalkiisa hadii ay sii socdaan natiijooyinka aan fiicneyn oo ay kooxda la kulmeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here