Tababaraha xulka qaranka Holland ahna midka inta ugu badan lala xidhiidhinayo jagada tababarenimo ee Barcelona ee Ronald Koeman ayaa markii ugu horreysay ka hadlay suurogalnimada shaqadaas iyo wakhtiga uu la wareegi karo.

Tababarihii hore ee Everton ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska uu kula jiro xulka Holland uu yahay mid u ogolaanaya inuu Barcelona u wareego laakiin kaliya kaddib xagaaga 2020 marka ay tartanka Euro ciyaaraan.

Agaasimaha ciyaaraha ee xulka qaranka Holland ee Nico-Jan Hoogma ayaa toddobaadkii hore faafiyay heshiiska uu Koeman ku joogo xulka Netherlands iyo sida uu 2020 fasaxa ugu haysto inuu Barca ugu wareego.

56 sano jirkan ayaa shaaca ka qaaday in qandaraaskiisa Holland uu yahay sida uu u faafiyay Nico-Jan Hoogma balse kooxda kaliya ee ku lugta leh ee uu Holland ugaga wareegi karo heshiiskaas ay tahay kooxdiisii ciyaartoynimo ee Barcelona.

“Shaaca ka qaadistu (Midii qandaraaskiisa Holland) waxa ay ahayd wax yar oo nasiib darro ah oo ka timid Nico-Jan” Ayuu ugu horreynba hadalkiisa ku bilawday tababare Keoman.

“Aynu si wanaagsan u nidhaahno, Way dhici karaysay waananu ka wada hadalnay midaas, Waxaad bixinaysaa xan aan ahayn mid xiiso leh”.

“Markii aan ku biiray xulka qaranka Dutch-ka waxay i weydiiyeen haddii ay xogta cidkasta la wadaagi karaan iyo haddii kale, Heshiisku waxa uu kaliya ku lug leeyahay Barcelona waxaana uu kaliya sax yahay wakhtiga kaddib Euro 2020, Anigu imika ma baxayo, Taasi 100% waa hubaal”

Cadaadiska ayaa ah mid haatan kusii kordhaya tababaraha Barca ee Ernesto Valverde gaar ahaan kaddib guuldarradii ugu dambaysay ee kasoo gaadhay kooxda Levante.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here