Kooxda Leicester City ayaa muujisay sida ay xili ciyaareedkan ugu sharaxan tahay mid ka mid ah afarta boos ee horyaalka Premier leugue ugu sareeya kadib markii ay kooxda Crystal Palace garoonkeeda ku soo garaacday.

Leicester City ayaa awooday in ay 2-0 ku soo dubatay kooxda Crystal Palace waxayna guusha Leicester City ceeb wayn ku tahay kooxda Arsenal oo kulankii la soo dhaafay barbaro 2-2 ah isla garoonkeeda kula gashay kooxda Crystal Palace ee ay hadda Leicester City soo garaacday.

Waxa kale oo ay guusha Leicester City ceeb wayn ku tahay Manchester United oo is arkaysa iyada oo 10 dhibcood hoos uga dhacday kooxda kaalinta saddexaad ku dagaalamaysa ee Leicester City.

Manchester United ayaa 13 dhibcood ka heshay 11 kii kulan ee Premier League ugu horeeyay laakiin waxaa layaableh in Leicester City ay isla kulamadan ka soo shaqaysatay 23 dhibcood si ay kaalinta saddexaad ugu sii negaato.

Laakiin Leicester City ayaaba hadda bilaabaysa in ay rumaystaan in wixii xili ciyaareedkii 2015/16 kii ay Premier League ka sameeyeen uu suurtogal noqon karo maadaama oo ay laba dhibcood oo kaliya ka hooseeyaan kooxda koobkan haysata ee Manchester City.

Jamie Vardy ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan gaadhay 10 gool oo Premeir league ah isaga oo la wareegay gool dhalinta kabta dahabka ah ee xili ciyaareedkan.

Waxa kale oo ay Leicester City sii joogtaysay in ay Chelsea ka sii cidhiidhsato kaalinta saddexaad halka ay 6 dhibcood sare uga baxday Arsenal.

Tababare Branden Rodgers ayaa u muuqda mid Leicester City ka caawin kara in ay si lama filaan ah ugu soo baxaan afarta kaalmood ee sare taas oo dhibaatada ugu wayn ku noqon karta kooxaha Man United, Arsenal iyo Tottenham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here