Kooxda Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday iney shaqada ka ceyrisay tababare Niko Kovac  kadib guuldradii xanuunka badneyd oo ay sabtidii ka heleen Eintracht Frankfurt kulan ka tirsan horyaalka Bundesliga.

Kovac ayaa isaga tagaya kooxda Bayern iyadoo ku jirta kaalinta 4-aad ee horyaalka, sidoo kalana afar dhibcood ka dambeysa kooxda hogaamineysa horyaalka ee Borussia Monchengladbach.

48-jirkan horay uga soo muuqday qaranka Croatia ayaa shaqada kooxdaan joogay tan iyo July 2018, wuxuuna kooxda u hogaamiyay fasalkii lasoo dhaafay laba koob, walow uusan meel fiican ka gaarin koobka horyaalada yurub.

45-kulan ayuu guuleystay isagoo kooxda dhamaan tartamada oo dhan maamulay 65-ciyaarood, balse guuldaradii sabtidii soo gaartay waxey aheyd middii ugu cusleyd muddo 10-sanadood ah.

Kadib kulanka Niko Kovac wuxuu sheegay inuusan hubin mustaqbalkiisa, balse haatan ayey kooxda Bayern ku dhawaaqday inuu shaqada ka tagay.

“Anigoo ku hadlaya magaca Bayern Munich, waxaan jeclahay inaan Niko uga mahad celiyo shaqadii uu qabtay, gaar ahaan labadii koob ee sanadkii hore” ayuu yiri Karl-Heinz Rummenigge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here