Juan Roman Riquelme ayaa lagu soo warramayaa inuu kooxdiisa Boca Junior ka codsaday sagootin labaad si ay suuragal u noqo in Lionel Messi uu kasoo qeybgalo, waxaana la filayaa in dhamaadka sanadkaan la sagootiyo xiddigii hore Barcelona.

Riquelme waxaa la qorsheeyay in la sagootiyo 12-ka Diseembar, markaas oo ay kooxdii Boca Junior ee ku guuleysatay Copa Libertadores 2000 iyo 2007 ay ku ciyaari doonaan garoonka La Bombonera.

Messi waxaa lagu casuumay inuu kulankaas ciyaaro, balse nasiib xumo Barcelona ayaa maalmo ka hor kulankaas la ciyaari doonta Real Betis kulan ka tirsan La Liga.

Sida lagu qoray wargeyska OLE ee laga leeyahay Argentina, Riquelme ayaa ka codsaday kooxdiisa Boca Junior in mar kale fursad loo siiyo in la sagootiyo, waxaana la filayaa in lagu aadiyo 28-ka Diseembar markaas oo Messi uu joogi doono Argentina maadaama ay jiraan kulamo caalami ah.

“Messi wuxuu i weydiistay in la ciyaaro wakhti uusan isaga ciyaar laheyn” ayuu Riquelme u sheegay saxaafadda.

“Waxey ahaan laheyd wax cajiib ah, waana ii riyo inaan Lionel Messi ku arko maaliyadda Boca”

Dhanka kale Lionel Messi ayaa isna ka hadlay kulankaan, wuxuuna qiray inuu ku faraxsan yahay hadii kulanka laga dhigo wakhti uu fursad haayo.

“Waan la hadlay Roman” ayuu yiri Messi.

“Marka laga hadlo wakhtiga, ma garan karo wakhtiga uu doonayo iney dhacdo”

“Balse hadii aan wakhtigaas joogo Argentina waan aadi karaan, waana ii farxad inaan ciyaaro”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here