Halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa amaan kala dul dhacay kooxda qaab ciyaareedka wanaagsan ku jirta ee Chelsea isagoo xusay in xataa xiddigii dhawaan ka baxay ee Eden Hazard uu haatan ku raaxaysan lahaa.

Hazard ayaa suuqii xagaaga ka tagay Blues isaga oo wakhtigaas u wareegay kooxdiisa riyada ee Real Madrid si uu uga hoos shaqeeyo halyeeyga jeclaysiiyay kubadda cagta sida uu sheegay ee Zinadine Zidane.

Dad badan ayaa rajaynayay in Chelsea ay dhibtoon doonto la’aanta Hazard gaar ahaan in suuqa kala iibsiga uu ganaax ka saaran yahay balse kooxda ree London ayaa horumarka halkeeda kasii wadatay.

Wanaaga Blues ee xilli ciyaareedkan ayaa loo aanaynayaa tababare Frank Lampard iyo da’yarta amaahda uga soo noqotay ee qaaday inta badan masuuliyada gool dhalineed iyo mida daafacasho ee kooxdooda.

Si kastaba, Neville ayaa haatan shaaca ka qaaday in Chelsea-da imiku ay tahay midii ugu xiisaha badnayd ee uu in mudo ah arko isla markaana xataa Hazard oo ka baxay kooxdeedu uu jeclaysan lahaa inuu u ciyaaro wakhtigan.

Gary ayaa yidhi “Tani waa Chelsea-dii ugu xiisaha badnayd ee aan arko in mudo ah, Waxaan ku sharadtamayaa in Eden Hazard qudhiisu uu jeclaan lahaa inuu u ciyaaro kooxdan”.

“Marka loo eego qaabka ay usoo ciyaareed afartii ama shantii sano ee ugu dambeeyay waxay markasta lahaayeen nooc ad-adayg (Daafacasho) ah”

“Conte waxa uu ahaa mid aad u habab badan Mourinho-na waynu ognahay waxa uu ahaa wakhtiyadii Chelsea”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here